Marko: Guri Uu Deganaa Nin Ka Ganacsada Qaadka ooXalay Qarax Bamb Lagu Weeraray

Marka (KON)- Sida ay soo sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee xarunta gobbolka Shabeellaha Hoose xalay waxaa qarax bambaano lagu weeraray guri uu magaalada Marka ka degnaa nin ka ganacsada Qaadka, ayadoo qaraxaasina ay waxyeelo ka soo gaartay reerkii iyo caruurtii ganacasadaha qaadka.
Warar Keydmedia Online

Ilmo yar oo uu dhalay ninka ganacsadaha ayaa ku dhintay qaraxaasi, waxaana sidoo kale uu dhaawac ka soo gaaray cunug kale, sida uu Keydmedia Online u xaqiijiyay Axmed Cukaash gudoomiyaha Maamulka magaalada Marka.

Sikastaba, waa markii labaad oo weerar noocaan ah lagu qaado ninkaasi ganacsadaha ee ku nool magaalada Marka.

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.