Marna lagama yaabo inuu Fahad Yaasiin Xildhibaan noqdo

Fahad Yaasiin wuxuu la kulmay cawaaqib xun, oo ka dhashay ficiladiisa, waxaana Siyasaadda looga saarey si fool-xun, oo Casharo u ka baran doono.

Warar Keydmedia Online
Marna lagama yaabo inuu Fahad Yaasiin Xildhibaan noqdo

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe, ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu aqbalay in Fahad Yaasiin ku fariisto Kursiga Xildhibaanimo ee HOP086 oo horey loogu diiday xiligii xukuumadii Rooble.

Guddoomiye Madoobe ayaa sheegay in xafiiskiisa uu ka warqabo wararka lagu faafiyay baraha bulshada – oo ay ku jiraan war-saxaafadeed been abuur ah – balse wuxuu si cad u beeniyey in taliyihii hore ee sirdoonka loo oggolaaday inuu fariisto Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya inta ay jirto dowladdan uu hogaamiyo Xasan Sheekh.

Fahad Yaasiin ayaa 20-kii Feb 2022 loogu doortay xildhibaanka kursiga HOP086 ee magaalada Beledweyne, laakiin Guddiga Federaalka ee Hirgelinta Doorashada (FEIT) ee uu hoggaamiyo Muuse Geelle Yuusuf ayaa laalay natiijadii, iyadoo loo cuskaday musuq-maasuq badan oo doorasho lagu sameeyay.

Fahad Yaasiin ayaa u dacwooday Maxkamadda Sare ee dalka, balse Dacwadiisa ayaa dib loo soo celiyay, waxaana sidaas ku dhaqan galay go'aankii FEIT in waxba kama jiraan ahayd doorashadiisa, maadaama isaga afduubtay, islamarkaana loo diiday Musharixiinta kale inay tartamaan.

Fahad Yaasiin, oo ahaa gacanta midig ee Farmaajo wuxuu la kulmay cawaaqib xun, oo ka dhashay ficiladiisa, waxaana Siyasaadda looga saarey si fool-xun, oo Casharo u ka baran doono.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.