KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
“Waxaan kula kulmay London dhiggeyga William Hague oo aan isla meel dhignay taageerida dowladda Soomaaliya dhanka dhaqaalaha, nabadgelyada, la dagaalanka burcad badeeda iyo isdhaafsi diblomaasi si dib loogu furo safaaradaha labada dal ay ku kala lahaayeen Muqdisho iyo London” sidaa waxaa sheegtay Marwo Fawsiya Yuusuf oo maanta si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aden Adde ee Muqdisho .
Wasiirku waxa ay intaa ku dartay “ Magaalada Rome waxaan kula kulmay Mas’uuliyiinta kala ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga Giulio Terzi iyo Wasiiradda Cadaaladda Paola Severino, waxaa ayna ii balan-qaadeen inay Soomaaliya ka caawin doonaan dhanka beeraha,kaluumeysiga ,tababarida ciidamada ,garsoorayaasha maxkamadaha iyo dib u soo nooleynta heshiisyadii labada dal horey u kala saxiixdeen”.
-Dhamaad-
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.