Maryan Qaasim oo farriin u dirtay Deni iyo Madoobe

Waxa ay siyaasiyiinta damacu wado ugu baaqday in Madaxweynaha u daayaan inuu soo xusho qofka uu arko inuu la shaqayn karo afarta sano ee soo socota.

Warar Keydmedia Online
Maryan Qaasim oo farriin u dirtay Deni iyo Madoobe

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirkii hore ee Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, Marwo, Maryam Qaasim Axmed, ayaa sheegtay in Madaxweynaha dooran ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu wajahayo caqabad xooggan oo ku aaddan soo magacaabidda Ra’iisul Wasaaraha 21-aad ee dalka, sababa la xariira mana-sheegasho.

Qoraal gaaban oo ay ka qortay arrinkaas, ayay sheegtay, in Madaxweynaha lagula dhagan yahay halka awood ee dastuurku siiyay, waxayna xustay in Siyaasiyiin iyo Madax xilal heysa ay cadaadis ku saarayaan in uu xilka Ra’iisul Wasaaraha u dhiibo, iyaga oo u sheegaya in ay abaal ku leeyihiin, kana caawiyeen inuu mar labaad ku soo laabto xilka.

“Halka awood oo si cad dastuurka u siiyay waa soo magacaabidda Ra'iisul wasaaraha, waase loo dayn la'yahay, waa lagula dheggan yahay, inta Madaxweynaha agdhoobaan oo mid walba uu leeyahay abaal baan kugu leeyahay, codad baan ku siiyay, waan kula soo halgamay IWM intaad Allah ka baqdaan, waddankana u tura”. Ayay tir, M.Qaasim.

Waxa ay siyaasiyiinta damacu wado ugu baaqday in Madaxweynaha u daayaan inuu soo xusho qofka uu arko inuu la shaqayn karo afarta sano ee soo socota. “Billaah calaykum culayska ka dulqaada Madaxweynaha”. Ayay hadalkeeda ku sii dartay, xilli la saadaalinayo in ay qudheedu ka soo dhex muuqan doonto Xukuumadda soo socota.

KEYDMEDIA ONLINE, ayaa hore u baahisay in Madaxweynaha dooran, uu cadaadis xooggan kala kulmayo Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo durba billaabay loollan xooggan oo dhexdooda ah, inkastoo ilo xog ogaal ah sheegayaan in Ra’iisul Wasaaraha cusub ka imaan doono dhanka Siciid Deni iyo goofka Garowe.

Sidoo kale, Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa si weyn ugu hareereysan koox ay isku siyaasad yihiin, waana macquul in Ra’iisul Wasaaruhu ka dhex yimaado isla Kooxdiisa siyaasadda oo ah kooxda ugu xooggan siyaasad ahaan, ururrada siyaasadeed iyo Xisbiyada ka dhisan dalka, maadaama ay u badan yihiin murqa weyn muddo siyaasadda ku soo jiray.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.