Mas’uul lagu dilay Beledweyne

Booliska ayaa sheegay in dableyda hubeysan ay toogteen Guddoomiye ku Xigeenkii Xaafada Buundweyn kadib salaadda maqribka caawa oo Isniin ah.

Warar Keydmedia Online

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Waxaa caawa fiidkii magaaladda Beledweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan lagu dilay Guddoomiye ku Xigeenkii Xaafada Buundweyn Cabdi Muxumed (Kuukay dheere).

Sida ay sheegeen laamaha amniga, labo nin oo bastoolado ku hubeysan ayaa toogatay Kuukaay Dheere salaadda maqribka markii laga soo baxay, iyadoo mas'uulkan uu isla goobta ku dhintay. Dableyda ayaa baxsatay, mana la oga waxa ay yihiin, balse waxaa loo maleynayaa Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.