KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Mas'uuliyiinta ugu sarreysa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa caawa booqasha ugu tagay Hoyga uu daggannyahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud
MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Cabdi Xassan Maxamed Xijaar, Taliye Ku xigeenka Booliska Jeneral Cisman Cabdullahi Maxamed Kaniif iyo Afhayenka ciidanka Booliska Saadaq Aadan Cali ayaa caawa kulan booqasho iyo salaan ah ugu tagay Hoyga Madaxweynihii hire ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Kulanka ayaa looga hadlay doorka ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Nabadda iyo is dhaxgalka bulshada, iyadoo kulanka uu kusoo aaday kaddib narkii ciidamada Badbaado Qaran ay u soo gurmadeen Dhaurista Dastuurka iyo badbaadinta Shacabka Soomaaliyeed. Is afgarad dhexmaray R/wasaare Rooble iyo Ciidamada ka dib, waxaa Ciidamadii laga saaray gudaha Magaalada iyo fariisimihii ay ka sameysteen.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.