Bangiga Adduunka oo lacagtii ugu badnayd siiyay maamulka Xasan Sheekh

Kristina Svensson, maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in mashruuca Barwaaqo uu ka taageerayo bulshada si ay u dhistaan ​​adkeysi iyo la qabsiga isbeddelka cimilada iyada oo la wanaajinayo helitaanka kheyraadka biyaha ee jawiga qalalan.

Warar Keydmedia Online
Bangiga Adduunka oo lacagtii ugu badnayd siiyay maamulka Xasan Sheekh

MUQDISHO, Soomaaliya - Bangiga Adduunka ayaa sheegay in uu ansixiyay lacag dhan 70 milyan oo doolarka, taasoo loogu deeqay dowladda Soomaaliya, ee uu hogaamiyo MW Xasan Sheekh.

Lacagtan ayaa lagu horumarinayaa wax soo saarka beeraha, xoolaha ay ku nool yihiin bulshooyinka reer miyiga ah ee ku dhaqan dhulka engegan ee Soomaaliya, oo hadda abaar ka jirto.

Mashruuca oo loo yaqaano "Barwaaqo" ayaa lagu dhisayaa nolosha dadka tabaaleysan ee xoolahooda iyo dagalaga beeraha ku weeyay abaarta, iyadoo uu kusoo beegmayo xilli xasaasi ah oo Soomaaliya ay wajaheyso abaaro aan horay loo arag iyo cunto yari ka sii daraysa.

Bangiga Adduunka ayaa sheegay in mashruucan lagu ballaarin doono Somaliland, Puntland, Galmudug, iyo Koonfur Galbeed, iyadoo lagu kordhin doono labo dowlad Goboleed, oo dheeri ah oo ka tirsan dowladda federaalka ah, kuwaasoo kala ah Hirshabeelle iyo Jubbaland.

Waxa ay sheegtay in mashruucani ay ka faa'idaysan doonaan 500,000 oo qof, oo u dhiganta ku dhawaad ​​15 boqolkiiba dadka reer miyiga ah, kuwaas oo hadda helaya adeegyo kooban iyo biyo aan nadiif ahayn.

Kristina Svensson, agaasimaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in mashruuca Barwaaqo uu ka taageerayo bulshada si ay uga soo kabtaan aafadda abaarta, islamarkaana ula qabsadaan isbeddelka cimilada, iyada oo la wanaajinayo helitaanka kheyraadka biyaha ee dhulka qalalan.

Bangiga Adduunka ayaa sheegay in caqabadaha degaanka, oo ay uga sii dartay isbeddelka cimilada sannadihii la soo dhaafay, ay sababeen xaalufinta in ka badan rubuc ka mid ah gayiga Soomaaliya, taas oo ay weheliso xaalufka iyo luminta ciidda, hab-nololeedka miyiga ayaa khatar ku jira.

Caqabadahaas oo ay weheliyaan abaaraha ayuu sheegay in ay sidoo kale sababaan in dadka xoolo dhaqatada ah ay waayaan xoolihii ay dhaqan jireen oo ah isha ugu weyn ee ay ka heli jireen dhaqaalaha, halka beeralayda ay waayaan dalagii kasoo go’i jiray beeraha oo ah isha ugu weyn ee ay ka heli jireen cuntada.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.