Maxaa ka jira in Xasan Sh booqasho qarsoodi ah ku tagey Israel?

Imaaraadka ayaa kala dhaxeeya Israel xiriir xoogan oo dhawaan dib loo soo nooleeyay, iyadoo suurta-gal tahay inuu u raadinayo xulufo kale oo katirsan dalalka Muslimka ah.

Warar Keydmedia Online
Maxaa ka jira in Xasan Sh booqasho qarsoodi ah ku tagey Israel?

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Villa Somalia C/kariin Cali Kaariye ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar soo baxay oo ku saabsan in Xasan Sheekh booqasho qarsoodi ah ku tagey Israel markii uu tagey Imaaraadka kadib Todobaadkii tagey.

Wuxuu sheegay Afhayeenka in warkaas uusan ahayn mid sax ah, isagoo cadeeyay in Madaxweynaha booqashadiisa ay ku koobnayd kaliya Imaaraadka, halkaasoo uu kula kulmay madaxda sare ee dalkaasi Al-Nahyan, oo dhigiisa uu ku jiro.

Hadalkan ayaa yimid kadib markii Xasan Sheekh uu waqti ka badan mudadii ay Villa Somalia shaacisay inuu ku maqnaan doono Imaaraadka uu maqnaa, islamarkaana warkiisa la waayay halka uu ku dambeeyo mudo maalmo ah, taasoo tuhun dhalisay.

Xiligii hore uu Madaxweynaha ahaa 2012-2017 sidan oo kale ayuu usoo baxay warkan oo kale, oo xitaa warbaahinta Israel Times usoo qortay in Xasan Sheekh uu si qarsoodi ah ula kulmay Benjamin Netanyahu oo waqtigaas Ra'iisul wasaare ka ahaa maamulka Yahuudda.

Taageeriyaasha Farmaajo ayaa baraha bulshadda soo geliyay sawir juqraafiyadeed muujinaya safar diyaarada Israeli airline sameysay August 2020, oo uga baxday Imaaradka, kuna tagtay Tel Aviv, taasoo ay ku sheegeen inuu la socday Xasan Sheekh, balse lagaba daba tagey beentaas.

Imaaraadka ayaa kala dhaxeeya Israel xiriir xoogan oo dhawaan dib loo soo nooleeyay, iyadoo suurta-gal tahay inuu u raadinayo xulufo kale oo katirsan dalalka Muslimka ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.