Maxaa keenay cabsida hareysay Lafta-gareen?

Wal wal lixaad leh ayaa hareeyey hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, kaas oo baqdin ka muujinaya inuu waayo kursiga.

Warar Keydmedia Online
Maxaa keenay cabsida hareysay Lafta-gareen?

MUQDISHO, Soomaaliya- Cabdicasiis Lafta-gareen ayaanan hurdo ladin, tan iyo markii daaqada laga tuuray maafiyadii uu hor boodayey Farmaajo.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa wal walka kala kulmaya, kacdoon ay wadaan siyaasiyiin ka soo jeeda maamulkaas, kuwaas oo ku sugan Muqdisho.

Qaar ka mid ah xubnaha ka soo horjeeda siyaasadda Lafta-gareen ayaa gaaray Baydhabo, iyagoo saaxiibo dhaw ka sameystay saraakiisha amniga u qaabilsan Lafta-gareen.

Culeyska ugu weyn ayuu Lafta-gareen kala kulmayaa arrinta la xiriirta Muqtaar Roobow, kaas oo la filayo in dhawaan la soo daayo.

Madaxweynaha talada haya, ayaa aamisan in Roobow lagu heysto afduub, iyadoo sii deysmadiisa ay dhalin karto is-baddel muuqda oo ku yimaada hoggaanka Koonfur Galbeed.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.