Howlgalladii Danab oo hoos u dhac ku yimid 

Howlgalladii ciidamadda Kumaandooska ee Danab ayaa waxaa ku dhacay hoos u dhac weyn billooyinkii lasoo dhaafay. 

Warar Keydmedia Online
Howlgalladii Danab oo hoos u dhac ku yimid 

MUQDISHO, Soomaaliya - Tan iyo markii billawgii sanadkii la soo dhaafay, ay Soomaaliya ka baxeen ciidamadii Mareykanka ee taageerada milatari iyo mid dhaqaale siinjiray ciidamada Danab ee la dagaallanka Kooxda Al Shabaab, waxaa hoos u dhacay howlgalladii ay fulin jireen.

Ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ka baxay oo tiradoodu ahayd 700 oo askari ayaa dalka uga tagay amar uu bixiyey Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, balse weli waa kuwa wadda taageeradii dhaqaale ee Danab.

Ciidamada Danab ayaa wixii intaasi ka danbeeyey ku milmay arrimaha siyaasadda dalka, iyagoo bishii September ee sanadkii 2021 ka qeyb qaatay, dagaalkii Guriceel ee u dhaxeeyey Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Mareykanka ayaa waqtigaas kadib kordhiyey caddaadiska uu ku hayo ciidamada Danab, isagoo xusay inuu dib eegis ku sameynayo kaalmada uu siiyo, taas oo ka hor istaagtay in saameyn ku yeeshaan arrimaha siyaasadda.

Tallaabadaas waxey sidoo kale hor istaagtay, weeraradii ka dhanka ahaa Al Shabaab, maadaama uu Mareykanku saraakiisha ugu sareysa Danab ku amray in ay la soo socodsiiyaan howlgal walba oo ay qaadayaan.

Ku milankooda siyaasadda wuxuu horseeday, in Iminka uu hoos dhac ku yimaado howl-galladoodii, ka dhanka ahaa kooxda Al Shabaab, kuwaa oo iminka ku xoogeysanayo koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan Shabeellaha hoose, oo uu ku yaallo saldhiga ugu weyn danab ee Soomaaliya.

Danab ayaa ah kumaandoostii ugu horreysay ee ay Soomaaliya yeelato, wixii ka danbeeyey bur burkii dalka, waxaana sanadkii 2013-kii dhisay, isla markaana qalabeeyey dowladda Mareykanka, iyadoo sanad kadib waqtigaas uu tababarka u soo idlaaday dufcadii ugu horreysay ee ciidankaasi oo tiradoodu ahayd 105 askari.

Ciidamada Danab ayaa iminka caddadooda lagu sheegaa 600 oo askari, kuwaas oo si gaar ah u tababaran, waxaana xoogooda ay joogaan saldhiga ay ku leeyihiin deggaanka Balidoogle, iyadoo Mareykanka uu dhiibo dhaqaalaha kala duwan ee ku baxa, waana mida xukuumadda Washington fursad u siineysa, in ay sii jirto saameyntooda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.