Maxaa ku soo kordhay xaaladda caafimaad ee MW Xasan Sheekh?

Baaritaan Talaadadii lagu sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, ayaa lagu xaqiiyay in laga waayay caabuqa Covid-19, oo uu kala soo laabtay Imaaraadka Carabata, todobaadkii hore.

Warar Keydmedia Online
Maxaa ku soo kordhay xaaladda caafimaad ee MW Xasan Sheekh?

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan laga helay caabuqa Corona Virus, ayaa baaritaan lagu sameeyay galinkii danbe ee shalay la xaqiijiyay in laga waayay, oo uu noqday Negative, sida uu sheegay Afhayeemka Madaxtooyada Cabdikariin Cali Kaar, oo wareysi siiyay warbaahin maxalli ah.

Afhayeenku wuxuu sheegay in Madaxweynuhu uu sida ugu dhaqsiyaha badan ula hadli doono dadka, una soo shaqo gali doono isagoo wali raacaya talooyinka iyo habraacyada bahda caafimaadka ee la xariira COVID-19, wuxuuna xusay in Fayrusku uusan saameyn weyn ku yeellan MW Xasan, maadaama uu hore u qaatay tallaalka COVID.

24 June 2022, ayaa Madaxweynaha laga helay, caabuqa COVID-19, saacado kadib markii ay dalka dib ugu soo laabteen isaga iyo wafti uu hoggaaminayay oo dhowr maalmood ku suganaa Imaaraadka Carabta, kadib casuumaad rasmi ah oo u ka helay dhiggiisa dalkaas, Maxamed Bin Zayed Al Nahyan oo dhawaan xilkaas la wareegay.

Keydmdia Online, ayaa ahyad warbaahintii ugu horreysay ee baahisa, in waftiga Soomaaliya ee 19-kii bishaan gaaray Abu Dhabi, ay la dhibaatoodeen Fayruska COVID-19, taasoo sababtay in dhamaan waftigu ay karaantiil ku galaan caasimadda Imaaraadka, isla-markaana uu dheeraado waqtigii loogu talagalay socdaalka Madaxweynaha.

Dowladda cusub ayaa durba dhaqan galisay hannaan xog-siin oo ka gaddisan midkii Dowladdii hore oo aan dadka la hadli jirin, si weyn ayaana loogu ammaanay waaxda warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya sida ay bulshada ula wadaagayaan xogaha lagama marmaanka ah ee la xariira howlaha iyo dhacdooyinka Villa Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu safar ku tago dalalka Kenya, Turkey iyo Mareykanka, kadib marka uu Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, soo dhiso Xukuumaddiisa, isla-markaana ay sal-dhigtaan Golaha Wasiirrada.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.