Maxaa lagu macneyn karaa qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho?

Al Shabaab ayaa soo adeegsaday qof naftii halige ah, kaas oo isku qarxiyey bannaanka hore ee xerada ciidamada Jeneral Dhagabadan.

Warar Keydmedia Online
Maxaa lagu macneyn karaa qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho?

MUQDISHO, Soomaaliya- inta la ogyahay 11 qof ayaa ku geeriyooday, in ka badan 10 kalana wey ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay xerada ciidamada Jeneral Dhagabadan ee degmada Wadajir.

Qaraxa ayaa dhacay xilli bannaanka xerada ay tubnaayeen dhallinyaro la diiwaan gelinayey oo doonayey in ay ku biiraan ciidamada xoogga dalka.

Qaraxan dowladda Soomaaliya wey ka gaabsatay, kamana hadlin qaabka uu u dhacay iyo khasaaraha uu geystay.

Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkan, xilli dhawaan jab xooggan uu ka soo gaaray dagaalladii ka dhacay gobollada dhexe, ee ay qeybta ka ahaayeen dadka deggaanka.

Qaraxan ayaa lagu macneyn karaa fariin is muujin ah, oo ay Al Shabaab u dirayaan dadka rayidka ah, kuwaas oo mudooyinkii ugu danbeeyey ka tanaasulay cabsida kooxdan argagixisada ah.

Qubarada qaar ayaa sheegaya, in Al Shabaab ay yihiin waqtigan kuwo naf la caari ah, iyagoo soo jeedinaya in aan la buun buunin ficilada guracan ee ay ku dhaqaaqayaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.