Maxaa lagu xukumay askarigii darawalka ku dilay Balcad?

Ku dhawaad 10 isbaaro ayaa taalla inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Jowhar, Madaxweynaha Soomaaliya ayaana dhawaan Cadale ka sheegay in dalka oo dhan isbaaradii ka suushay marka laga soo tago gobolka Shabeellaha dhexe oo isbaaro fara badan taallo.

Warar Keydmedia Online
Maxaa lagu xukumay askarigii darawalka ku dilay Balcad?

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxakamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa dil toogasho ah maanta ku xukuntay Cabdiraxmaan Cadow Ciise oo ah qisaasta Marxuum Saylax Cabdulle Axmed oo 29-kii bishii tagtay lagu dilay Is-baaro ku taalla degmada Balcad.

Allaha u naxariistee Marxuum Saylax Cabdulle ayaa ahaa Darawaal ka shaqeeya gawaarida gobollada aadda ee BL-ka loo yaqaan, waxaana la sheegay in loo dilay lacag aad u yar, taaso baaqi ka noqotay lacag si qasab ah [baad ah] looga qaday ka hor inta aan la toogan.

Qaar ka mid ah shacabkii saarnaa gaariga oo marqaati ahaan loo geeyey maxkamadda ayaa waxa ay sheegeen in xukunsanaha uu si ku tala gal ah u dilay Marxuumka oo bixiyay lacagtii uu hore u bixin jiray isla-markaana u sheegay in uusan lacag intaas badan heyn.

Ku dhawaad 10 isbaaro ayaa taalla inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Jowhar, Madaxweynaha Soomaaliya ayaana dhawaan Cadale ka sheegay in dalka oo dhan isbaaradii ka suushay marka laga soo tago gobolka Shabeellaha dhexe oo isbaaro fara badan taallo.

Nofeembar 25, 2022, ayay ahayd markii Madaxweynahu taageeray baaq nabadeed oo ay soo saareen culumada, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada Cadale kaasi oo adkeynaya  heshiisiinta bulashada iyo ciribtirka jidgooyooyinka sharci darrada ah.

Madaxweynaha wuxuu xilligaas muujiyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo nabadda, horumarka degaanka iyo dib u heshiisiinta bulshada ayaa hoosta ka xarriiqay in aan la aqbalin karin in jidgooyo sharci-darro ah la dhigto waddooyinka.

“Qofkii inta qof u qasday dilay, magaca uu doono haku dilo waa qaatil, ma ahan reer hebel, waa dilaa, dilaana shareecada waxa ay ka qabto waa ognahay, dadka isbaarada dhiganaya waa qaadicul-dariiq waa in sharciga la marsiiyo.” Ayuu yiri MW Xasan.

KEYDMEIDA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.