Maxaa looga hadlay kulanka MW Soomaaliya iyo dhiggiisa UAE?

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha isutagga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin Zayid.

Warar Keydmedia Online
Maxaa looga hadlay kulanka MW Soomaaliya iyo dhiggiisa UAE?

ABU-DHABI, Imaaraad – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo habeenkii afaraad ku hoyanaya magaalada Abu Dhabi ee dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalkaas Maxamed Bin Zayed Al Nahyan.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya, kulanka Labada Madaxweyne ayaa lagu lafa guray hagaajinta xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal, fududeynta dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, isu-socdka iyo fududeynta dal ku galka.

Madaxweynaha Imaaraadka, wuxuu Madaxweynaha Soomaaliya iyo waftigiisa u ballan qaaday in dowladdiisu door muuqda ka qaadanayso gurmadka abaaraha ka jira dalka iyo dib u soo celinta taageeradoodii ku aaddaneed ammaanka iyo adeegyada bulshada.

“MW X.Sh.Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Imaaraatka, garab istaagga ay u muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, isagoo sheegay in DFS ay ahmiyad gaar ah siineyso xoojinta xiriirka kala dhaxeeya caalamka”. Ayay tiri  Villa Soomaaliya.

Sida aan hore u baahinnay xubno ka tirsan Waftiga Madaxweynaha Soomaaliya ee ku sugan dalka isu-tagga Imaaraadka, ayaa laga helay caabuqa faafa COVID-19, taasoo sababtay inuu dib u dhaco xilligii la qorsheeyay in ay labada Madaxweyne is arkaan.

Socdaalka uu MW Xasan ku tagay Abu Dhabi, ayaa ah midkii ugu horreeyay ee dalka dibaddiisa ah tan iyo markii la doortay, waliba safarkaan aya ku soo aaday xillli aan wali Baarlamaanka la hor geyn Ra’iisul Wasaaraha magacaaban, taasoo muujineysa muhiimadda safarka.

Shantii sano ee tagtay qiblada siyaasadeed ee Soomaaliya waxa ay ahayd Qatar, hayeeshee, in socdaalka 1-aad ee Madaxweynaha uu noqday Imaaraadka, waxa ay ka dhigan tahay in Dooxa lagu baddelay Abu Dhabi, hoosna loo dhigi doono saameyntii Tamim bin Hamad.

KEYDMEIDA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.