Maxaa looga hadlay kulanka MW Xasan iyo Aadan Madoobe?

Madaxweynaha aan wali xaafiiska la wareegin Xasan Sheekh, ayaa Hotel uu deggan yahay oo ku yaalla xeyndaabka garoonka diyaaradaha ka wada kulamo siyaasadeed.

Warar Keydmedia Online
Maxaa looga hadlay kulanka MW Xasan iyo Aadan Madoobe?

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha dhawaan-galka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,  ayaa kulankii ugu horreeyay kadib doorashadiisa la qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS, Sheekh Aadan Maxamed Nuur [Madoobe].

Aadan Madoobe, ayaa salaan iyo hambalyo ugu tagay Madaxweynaha cusub ee xalay ay doorteen Baarlamaanka labada Aqal, u jeedka kulanka ayaana ahaa is xog-wareysi iyo sidii loo sii amba qaadi lahaa geeddi socodka-nabadda iyo xasillooni siyaaseed oo wadajir ah.

“Waxaan maanta kulan la qaatay guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur “ Madoobe”. Waxaan ka wada hadalnay dhameystirka dhismaha hay’adaha dowladda iyo dedejinta howlaha xilliga kala guurka”. ayuu yiri MW Xasan.

Farmaajo wuxuu howl-gab ka dhigay Golaha Aqalka sare, halka uu Galaha Shacabka u baddelay [Golaha Sacabka], waxaana isha lagu hayaa, sida uu Xasan Sheekh, u kala madaxbanneeyo hay’adaha Dowladda gaar ahaan laamaha Fulinta iyo sharci dajinta.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan, ayaa la kulmay Safiirka Mareykanka Lary Andre, isaga oo ugu hambalyeeyay doorashadii uu ku guuleystay, danjiraha USA, ayaa MW Xasan gaarsiiyay dhambaal uu ka siday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Sidoo kale, wuxuu maanta Madaxweynuhu kulan la qaatay Cabdikariin Sheekh Muuse [Qalbidhagax] oo ka mid ah dadka ay dhibaatooyinka waaweyn u geysatay Kooxdii Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre, hoggaanka u ahyeen sanadkii 2017.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.