Maxaa looga hadlay kulanka RW Rooble iyo Musharixiinta?

Kulan u dhaxeeya sii-hayaha Xil-ka Ra’iisul Wasaraha, iyo Golaha Midowga Musharixiinta, ayaa maanta ka dhacay Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Maxaa looga hadlay kulanka RW Rooble iyo Musharixiinta?

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta gurigiisa ku qaabilay xubno ka tirsan Midowga Musharixiinta, oo ay hoggaaminayaan madax-weynayashii hore ee dalka  Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh.

Kulankaan ayaa looga hadlay sidii kiiska Ikraan Tahliil uu u heli lahaa caddaalad, isla-maraakan loogu madax baneyn lahaa hay'adaha garsoorka, halka la isku soo hadal qaaday dardar gelinta arrimaha doorashooyinka iyo joojinta xasaradaha siyaasaded.

“Waxaan maanta kulan mira dhal ah la yeelannay Raysalwasaare Rooble. Waxaan ka wada hadalnay sidii uu kiiska Ikraan Tahliil ku heli lahaa caddaalad, looguna simo hay’adaha garsoorka, in dardar la geliyo arrimaha doorashooyinka iyo la qaboojiyo xasaradda”. Ayuu yiri hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo ka qeyb galay kulanka.

Ra’iisul Wasaaraha Xil-gaarsiinta ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo siyaasadeed ka waday guriga uu ka degan yahay Madaxtooyada, wuxuuna halkaas kulamo kula qaatay, xubno ka socday Ururrada Bulshada Rayidka ah, hay’adaha maaliyadda dalka, siyaasiyiinta Gobollada Woqooyi iyo wafdi sare oo ka socday Qaramada Midoobay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.