Maxaa looga hadlay kulankii ay yeesheen RW Rooble iyo Axmed Madoobe?

Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe, kaas oo 5-tii sano ee la soo dhaafay mucaarid ku ahaa kooxdii Farmaajo ee uu waqtigoodu dhamaaday.

Warar Keydmedia Online
Maxaa looga hadlay kulankii ay yeesheen RW Rooble iyo Axmed Madoobe?

MUQDISHO, Soomaaliya- Kulanka ay labada masuul yeesheen, ayaa looga hadlay hannaankii ay ku idlaatay doorashada, oo jiitan fara badan martay.

Axmed Madoobe, Madaxweynaha Jubaland, ayaa RW Rooble ku amaanay, doorkii wanaagsanaa ee uu ka qaatay dhameystirka doorashada.

Madaxweynaha Jubaland ayaa hoosta ka xariiqay, inuu miro dhalay dhabar adeygii uu muujiyey Rooble.

Axmed Madoobe ayaa toddobaadyadii ugu danbeeyey ku sugnaa Muqdisho, wuxuuna kaalin weyn ku lahaa kacdoonkii ka dhanka ahaa maafiyadii dalka iyo dadka curyaamisay, ee ay hor boodayeen Farmaajo iyo saaxiibkiisii siyaasadda Fahad Yasin.

Sida wararku sheegayaan, wuxuu Muqdisho joogi doonaa ilaa inta laga caleema saarayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo ay hor-yaallaan howlo aad u culus.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.