Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirrada?

Wasiirrada ayaa sidoo kale waxa ay meelmariyeen soo jeedinta Wasiirka Maaliyadda ee ah in xilka Guddoomiye Ku xigeenka cusub ee Bankiga Dhexe loo magacaabo, Dr Cali Yaasiin Shiikh Cali, oo ah aqoonyahan aqoon durugsan u leh masuuliyaddan.

Warar Keydmedia Online
Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirrada?

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirka Khamiislaha ah ee Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta lagu ansixiyey laba Hindse Sharciyeed, Qaraar la xiriira degaannada laga xorreeyay Al-Shabaab iyo soo jeedinta magacaabista Guddoomiye Ku Xigeenka Bankiga Dhexe.

Golaha Wasiirradu waxa ay ansixiyeen qaraar ka kooban 12 qodob oo la xiriira degaannada cusub ee laga xoreynayo Kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo isugu jira;

Amniga iyo xasilloonida, amarka iyo kala dambeynta, Isu socodka, xakamaynta xad-gudubyada ciidamada iyo denbi-falayaashu ka geysan karaan goobaha laga xoreeyey Al-Shabaab iyo ilaalinta xuquuqda Aadamaha iyo fullinta sharciga.

Wasiirrada ayaa sidoo kale waxa ay meelmariyeen soo jeedinta Wasiirka Maaliyadda ee ah in xilka Guddoomiye Ku xigeenka cusub ee Bankiga Dhexe loo magacaabo, Dr Cali Yaasiin Shiikh Cali, oo ah aqoonyahan aqoon durugsan u leh masuuliyaddan.

Goluhu wuxuu sidoo kale ansixiyay dhisidda iyo tayeynta aqoonta Tiknoolajiyadda Soolarka iyo Dib-u-eegista Hindise Sharciyeedka Korontada oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha, kuwaasi oo dib-u-habeyn lagu sameeyey.

Xogo ay heshay Keydmedia Online ayaa sheegaya in wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab u dib u billaaban doono maalmaha soo socda, isagoo ay hoggaamintiisa oo buuxda ay leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.         

KEEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.