Maxuu Farmaajo ula xiriiro mas’uulka ugu sareeya Libya?

Madaxtooyadda ayaa shaacisay in Farmaajo uu khadka taleefoonka kula xiriiray Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Libya Mudane Dr. Maxamed Yuunis Al-Manfi.

Warar Keydmedia Online
Maxuu Farmaajo ula xiriiro mas’uulka ugu sareeya Libya?

MUQDISHO, Soomaaliya - Farmaajo ayaa khadka taleefoonka kula xiriiray Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Libya Mudane Dr. Maxamed Yuunis Al-Manfi, sida uu sheegay xafiiskiisa.

Xafiiska Farmaajo ayaa qoraal uu soo saarey ku sheegay in ujeedka xiriirku ahaa mahadcelin ku aadan soo celinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xanibnaa gudaha dalka Libya. 

Farmaajo ayaa arintan sameeyay kadib markii tan iyo shalay markii 97 dhalinyaro laga soo celiyay Libya ay soo gaareey Muqdisho, kuwaasoo soo celintooda ay sheegteen dhinacyo kale.

Si uu u xaqiijiyo in isaga ka dambeeyay ayuu ula xiriiray sida muuqata Dr. Maxamed Yuunis. Xafiisyada Farmaajo iyo Rooble ayaa ka dhaxeeya loolan dhanka awoodda iyo talada dalka.

Libya waxaa laga soo celiyay dhalinyaro aad u badan, waxaana soo celintooda mas'uul ka ah hay'adda QM socdaalka u qaabilsan ee IOM, taasoo la shaqeynaysa dowladaha labada Wadan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.