Maxaa sababay in Xasan Sheekh Shir isagu yeero Madaxda Maamulada?

Dalka waxaa ka dhacay Isbedel dhanka hogaanka ah bishii May 2022, iyadoo Villa Somalia ka shaqeynayso isku-duubni, wadajir iyo in loo midoobo dagaalka Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
Maxaa sababay in Xasan Sheekh Shir isagu yeero Madaxda Maamulada?

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Muqdisho ka furmaya berri ama berri-dambe Shir wadatashi ah, oo ay isagu imaanayaan Madaxda shanta Maamul Goboleed iyo Madaxda dowladda Federaalka.

Shirkan waxaa iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh, oo doonaya inuu mad-madowga iyo kala-aragti duwanaanta jirta ku xaliyo, si khilaafka uusan caqabad ugu noqon shaqada dowladda cusub.

Waxaa Caasimadda soo gaarey Axmed Madoobe, iyadoo la filaya in hogaamiyeyaasha kale ay soo gaaraan saacadaha soo aadan, sida illo ku dhaw Madaxtooyadda u sheegeen Keydmedia Online.

Dalka waxaa ka dhacay Isbedel dhanka hogaanka ah 15-kii bishii May 2022, iyadoo Villa Somalia ka shaqeynayso isku-duubni, wadajir iyo in loo midoobo dagaalka Kooxda Al-Shabaab.

Isbedelka dhacay qaar kamid ah Madaxda Maamullada, sida Saciid Deni, Lafta-Gareen iyo Qoor-Qoor ayaan soo dhaweynin, kadib markii ay ka arki waayeen danahooda gaarka ah.

Deni wuxuu waayay xilka Ra'iisul Wasaaraha, Lafta-Gareen wuxuu ka caroodey in Xukuumadda lagu soo daray Roobow, iyado Qoor-Qoor diidan yahay Axmed Maclin Fiqi inuu Wasiir noqdo.

Waxay rabeen in iyaga lagala tashaddo xubnaha Wasiiradda ku matelaya Maamuladooda, taasoo uusan dheg-jalaq u siinin Madaxweyne Xasan Sheekh, oo cidii u arko inay ku habon tahay soo xushay.

Lama oga in Shirka dhacaya lagu dhameyn doono arrimaha la isku hayo, oo ay ku jirto lacagta $100 milyan oo Bangiga Adduunka ugu deeqay Soomaaliya bishii April, taasoo sababtay in Wasiiradda Maaliyadda Maamullada xiriirka u jareen Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka todobaadkii hore.

Lacagta ayaa dowladda Soomaaliya waxay u qoondaysay Maamullada $20 milyan inay kala qeybsadaan, oo inta kale Bangiga Dhexa ku jirto, si shaqooyinka qaranka loogu qabto, balse taasi ay ay diideen, iyagoo dalbadey 50% in la siiyo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.