Maxaa sababay kalsooni darrada ka dhex jirta shacabka iyo ciidamada?

Kala shaki iyo kalsooni darro aad u baaheysan ayaa dhex taalla shacabka Muqdisho iyo ciidamada amniga.

Warar Keydmedia Online
Maxaa sababay kalsooni darrada ka dhex jirta shacabka iyo ciidamada?

MUQDISHO, Soomaaliya- Dalalka caalamka wuxuu amnigooda ku hagaago, ayaa ah wada shaqeynta wanaagsan ee ka dhaxeysa bulshada iyo ciidamada.

Balse Soomaaliya, gaar ahaan magaala madaxda dalka ee Muqdisho, waxey kalsooni darro baahsan ka dhexeysaa shacabka iyo ciidamada amniga.

Sababaha ugu weyn ee kalsooni darradan ay ku timid ayaa lagu macneeyaa, ciidamada oo dhex galin shacabka, taas oo saamixi weysay oggaanshaha xaaladdaha rasmiga ah ee ay ku sugan yihiin.

Kala dheeraanshaha ciidamada amniga iyo shacabka, waa mida hakisay in ay kala qaataan xogo ku saabsan dhanka amniga, taas oo fursad u noqotay kuwo maleegaya falalka amniga lidiga ku ah.

Arrinta kale ee keliftay kalsooni darrada, ayaa ah dilalka iyo dhaca ay Muqdisho ka geysanayaan ragga ku labisan dareyska ciidamada, kuwaa oo qaarkood dharka ku ganbanaya.

Dhacdooyinkaas waxey shacabku ka dhaxleen aamusnaa fara badan, taas oo khatar galisay amnigooda, maddaama ay kordhayaan falalka amni darrada, isla markaana ay iyagu yihiin dhibanaha koowaad.

Si kastaba ha ahaatee wada shaqeyn iyo xiriir dhab ah oo dhex mara ciidamada iyo shacabka ayaa dhigan, guluf looga hortagi karo ficilada argagaxa leh ee ka dhacaya gudaha caasimadda, balse lamo ogga waqtiga uu xiriirkaasi wanaagsan hirgalayo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.