Maxaa sababay qeylo-dhaanta Kullane Jiis?

Dhawaan askar ka tirsan ilaaladiisa ayaa lagu xiray Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kadib markii Hoggaanka cusub ee NISA u magacaawday garoonka ay ogaadeen in ay ku safrayaan magacyo kale.

Warar Keydmedia Online
Maxaa sababay qeylo-dhaanta Kullane Jiis?

MUQDISHO, Soomaaliya – Cabdullaahi Aadan Kullane oo loo yaqaan [Kullane Jiis], oo ka mid ahaa shaqsiyaadka gacmaha dhiigga ku leh ee gabood-fallada xooggan galay sanadihii la soo dhaafay ayaa billaabay qeylo dhaan siyaasadeed oo u-jeedka laga leeyahay la qariyay, si gabbaad looga galo baaritaannada ka dhanka ah jarriimooyinkii uu galay.

Kullane Jiis, wuxuu Fahad Yaasiin, Yaasiin Farey iyo Cabdiqani Wadna-qabad, kula jiraa dacwo ay gudbiyeen qoyska Ikraan Tahliil oo maqane ah tan iyo 26-kii Juun 2021, sidoo kale wuxuu ogaaday in Agaasimaha cusub ee NISA ay gacanta u galeen feylalka danbiyo waaweyn oo uu galay, wuxuuna qeylo-dhaanta uga gol-leeyahay inuu gaashaan ka dhigto.

Fahad iyo Wadana-qabad waa ka bxaeen dalka, halka ay hoos u dhacday cabsidii uu qabay Yaasiin Farey oo u muuqda inuu qaladaadkii uu gacmaha Dowladda ku galay uga gambanayo shaarka qabiilka, hayeeshee, Kullane oo rumeysan in xasaanadda Xildhibaannimo aysan badbadin doonin ayaa wajahaya garab la’aan siyaasadeed.

Dhawaan askar ka tirsan ilaaladiisa ayaa lagu xiray Garoonka diyaaradaha A. Cadde, kadib markii Hoggaanka cusub ee NISA u magacaawday garoonka ay ogaadeen in ay ku safrayaan magacyo kale isla-markaana ay sheeganayaan ciidan aysan ka tirsaneyn, halka uu ilsa xilligaas Mahad Salaad amar ku bixiyay in guud ahaan laga qaado ilaalada uu heysto.

Todobaadkii hore, Wasiirkii hore ee Amniga Jubaland, Cabdirashiid Janan, Guddoomiyihii hore ee degmada Luuq, Maxmaed Cabdullaahi Gardhuub iyo siyaasiyiin kale ayaa laga hor istaagay in ay u safraan Dooloow, waxayna is hortaagga safarkooda ku eedeeyeen in ay masuul ka yihiin, Kullane Jiis iyo Taliyaha ciidanka Lugta Jeneraal Biixi.

Kullane wuxuu si gaar ah gacanta ugu hayay kiiska Gobolka Gedo, kaasoo hadda Dowladda cusub diyaarineyso qorshihii gobolkaas looga sari lahaa gacanta saraakiisha NISA, kuwaas oo dhibaato xooggan geystay intii ay ka arriminayeen gobolka, waxaana la filayaa in ay gobolka ku wareegaan shaqsiyaad sanadihii hore mucaarad ahaa oo Janan ugu horreeyo.

Kullane wuxuu ahaa shaqsiga labaad ee sida uu doono ugu tagri-fala awoodda NISA, wuxuu qeyb ka ahaa dhamaan gabood-falladii dhacay intii Fahad ahaa hoggaanka hay’adda, wuxuu lahaa amarkii lagu hor istaagay safarkii Madaxweynaaashii hore ku tagi lahaayeen Baladweyne dabayaaqadii 2019, si ay dad tabaaleysan ugu gurmadaan.

Sababta ugu weyn ee Kullane darbiyada madaxa ugu garaacayo waa in aan wax laga weydiin jariimooyinka uu galay, waa in aysan caddaalad helin dadka u awoodda Dowladnimada ku dhibaateeyay, waa in aysan qaban gacmaha sharciga, isla-markaana uu caasimadda ku dhex naalloodo isaga oo dacwooyin ciqaabeed garsoorka ka yaallaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.