Wax ka ogaaw doorashada Kenya ee 9-ka bishaan

Dastuurka Kenya ayaa dhigaya in doorashada guud ee xubnaha Golayaasha Baarlamaanka la qabto Talaadada Labaad ee bisha Ogoosto shantii sanaba mar, taasoo ka dhigan in doorashada guud ee soo socota ay dhacayso 9-ka bishaan Ogoosto 2022.

Warar Keydmedia Online
Wax ka ogaaw doorashada Kenya ee 9-ka bishaan

NAIROBI, Kenya – Doorashada guud ee dalka Kenya ayaa la qorsheeyay in lagu qabto 9-ka Ogosto 2022 xilli codbixiyaashu isku diyaarinayaan dorashada Madaxweynaha, xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka iyo guddoomiyaasha gobollada Kenya.

Sida uu dhigayo dastuurka Dowladda Kenya Madaxweynaha hadda talada haya ee Uhuru Kenyatta ayaan mar saddexaad u tartami karin xilka ugu sarreeya waddanka, si la mid ah Guddoomiyeyaasha Gobollada oo laba jeer iyaguna xilka hayay ayaan baratami doonin.

Doorashada Madaxweynaha Kenya ee sanadkaan ayaa ah mid ay ka qeyb qaadanayaan musharrixiintii ugu yaraa tan iyo markii nidaamka xisbiyada badan dalkaas laga hirgeliyay 1992-kii, waxaana loollami kaliya afar musharrax oo labo ka mid si weyn loo yaqaan.

Madaxweynaha Kenya waxaa lagu soo doortaa nidaamka labada wareeg (The two-round system) si uu ugu guuleysto wareegga koowaad, musharraxa waa inuu helaa in ka badan 50% codadka iyo ugu yaraan 25% codadka ugu yaraan 24 ka mid ah 47 Counti.

MUSHARAXIINTA MADAXWEYNAHA

Kaliya afar musharrax ayaa ku baratami doona doorashada Madaxweynaha sanadkaan, kuwaasoo ay ugu caansan yihiin Ra'iisul Wasaarihii hore ee Kenya (2008-2013), Raila Odinga iyo Madaxweyne ku xigeenka hadda ee Kenya (2013 ilaa hadda) William Ruto.

Waxaa jira labo musharrax oo kale oo aan aad loo aqoon, kuwaas oo kala ah, David Waihiga Mwaure oo hoggaaminaya xisbiga Agano iyo George Wajackoyah oo isna ah hogaamiyaha xisbiga ‘Roots’ ee Kenya –( Roots Party of Kenya).

Sida la rumeysan yahay tartarnka ugu adag ayaa dhex mari doona Raila Odinga oo afar jeer oo hore doorashada guul darro kala kulmay iyo Madaxweyne ku xigeynka William Ruto, oo ku tartamaya xisbiga Midowga Dimuquraadiyadda oo xulufo la ah ( Xisbiga Kenya Kwanza)

RAILA AMOLO ODINGA

Raila Odinga oo madaxa la sii galaya da’aadda 78-aad, wuxuu hore u soo noqaday, Ra’iisul Wasaaraha Kenya intii u dhaxeysay 2008 ilaa 2013, wuxuu xilli ka mid ahaa Baarlamaanka waana ganacsade ku tartamaya ODM oo hoos yimaada Isbahaysiga Azimio La Umoja.

Odinga oo loogu yeero hogaamiyaha mucaaradka Kenya, waa sadankii uu ugu rajada fiicnaa, maadaama uu garab ka helayo Madaxweynaha xilka ka degaya, yeelkeede, sanadaha kala ah 1997, 2007, 2013 iyo 2017, ayuu ku guuldarreysatay inu hoggaanka qabto.

Raila Odinga, wuxuu ololihisa tiirar uga dhiga, kobcinta dhaqaalaha isaga oo ballan qaaday inuu sameyn doono maal galinta ganacsiyo yaryar iyo qaybta Warshadaha wax soo saara, bixinta adeegyo caafimaad oo aasaasi ah iyo horumarinta ciyaaraha iyo bulshada.

Kadib isku day afgambi oo dhacay 1-dii Agoosto ee sanadkii 1982-dii, Raila Odinga waa la xiray waxaana ku dhacay xukunno kala duwan, oo ay ka mid tahay qiyaano qaran, hayeeshee, Odinga wuxuu iska fogeeyay ku lug lahaanshaha afgambigaas.

WILLIAM SAMOEI RUTO

William Ruto, waa 55 jir hadda ah Madaxweyne ku xigeenka Kenya, waa hoggaamiyaha xisbiga Midowga Dimuquraadiyadda oo xulufo la ah isbaheysiga siyaasadeed ee Kenya Kwanza, kaas oo Ruto u doortay inuu noqdo musharaxa madaxweyne ee doorashada.

Doorashadii guud ee Ogosto 2017, Uhuru iyo Ruto ayaa ku guuleystay, kadib markii ay heleen 54% codadkii la dhiibtay, hayeeshee maxkamadda sare ee Kenya ayaa baabi'isay natiijida, mar kale doorashadii ku celis ahayd ayay heleen 98% codadkii la dhiibtay.

Ololihiisa wuxuu ku sheegay inuu sanadkii $424 malyan oo doolar u quundeyn doono ganacsiyada yaryar, isagoo ballan qaaday inuu aasaasi doonaa santuuqa waxbarashada qaran oo bixiya cuntooyinka ardeyda iyo inuu haween ka dhigayo kala bar Wasiirradiisa.

2008 dii maxkamadda Sare ee Kenya aya ku amartay Ruto in uu soo ceeliyo beer 100-acre ah uuna bixiyo $62,500 oo uu siinayo Adrian Muteshi, oo ah beeraleey ku eedeeyay in uu xoog uga qaatay dhulka beerta kadib doorashadii 2007-dii.  

MAXAA LA HADAL HAYAA?

Ruto ayaa si weyn u suuq geeyay in la joogo xilligii meesha laga saari lahaa siyaasadda dhaxalka ku saleysan ee ay talada dalka muddada dheer ku heysteen qoysas kooban (Kenyaata iyo Odinga) waana duufaan si weyn looga dareemayo gobollada qaar.

Layaabka ayaa ah, ballanqaad uu sidoo kale Ruto sameeyay oo ah haddii xilka loo doorto inuu qof kasta oo muwaaddin ah oo dalka Kenya u dhashay inuu bil walba siinayo 6,000 oo shilinka Kenya ah, taasoo ah lacag u dhiganta $50 doolarka Mareykanka ah.

Sidoo kale, waxaa si weyn loo hadal hayaa cabsi ku aaddan iney ka dhici karaan iskudhacyo qabiil salka ku haya iyadoo la xasuusto wixii ka dhacay doorashooyinkii horay dalkaas uga dhacay, sida doorashadi dhacday 2007-dii oo ay ku dhinteen 1,200 oo qof.

Waxaa cabsida sii siyaadinaya khilaafka xooggan ee ka dhexeeyay Madaxweynaha talada ka sii deegaya Uhuru iyo Musharrax Ruto oo hadda Madaxweyne ku xigeyn ah iyo dhanka kale isku soo dhawaanshaha Uhuru iyo Odinga oo xilli dab iyo baasiin isku ahaa.

Codbixinta doorashada Kenya waxay billaabmeysaa lixda aroornimo xilliga geeska Afrika, waxayna socon doontaa 12 saacadood oo xiriir ah, haddii waqtigu dhaco cid kasta oo saf uga jirta goobaha codbixinta waxa ay xaq u leedahay in ay codkooda dhiibtaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.