Maxaa ka cusub muranka arinta Soomaaliland?

Waxaa maalintii labaad galay shirka Madaxda Qaranka ee uu shir-guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, kana qeyb galayaan Madaxweynayaasha Maamullada Shanta ah ee qeybta ka ah Fadaraalka iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Warar Keydmedia Online
Maxaa ka cusub muranka arinta Soomaaliland?

MUQDISHO, Soomaaliya - Mid ka mid ah arrimaha ugu adag ee loo baahan yahay in lagu xalliyo shirka galay maalintiisii labaad ee ka socda teendhada Afisyioni ayaa ah muranka ka taagan xubnaha ay guddiga doorashooinka ku yeelanayaan gobollada waqooyi ee Soomaaliya.

Siyaasiyiinta ka soo jeeda Soomaaliland, ayaa si weyn ugu kala qeybsamay arrinta guddiga, waxayna u kala jabeen labo garab oo ay kala hoggaaminayaan Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeynyga Xukuumadda Xil-gaarsiinta Mahad Maxamed Guuleed.

Inta badan arrimihii ka soo laabtay heshiiskii 17-kii September 2020 lagu gaaray Magaalada Muqdisho, aya lagu xaliyay shirkii ka dhacay xurunta KMG Maamulka Koofur-galbed ee Baydhabo, 16 bishii Febaraayo sanadkaan.

Hayeeshee, garabka uu hoggaamiyo Guddoomiye Cabdi Xaashi, ayaa cabasho ka soo celiyay qodobadii quseeyay ee ka soo baxay Baydhabo, kuwaas oo dhigayay in labada dhinac kala qeybsadaan xubnaha.

Shir Madaxeedka, waxaa barbar socda, kulamo docoodyo xal loogu raadinayo arrinkaas, Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoor-qoor’, ayaa la kulmay garabka Mahdi Guuleed, ka hor inta aysan qaabilin Madaxweynayasha Puntland iyo Jubbaland xalay.

Sida ay xaqiijinyaan ilo xog ogaal ah Cabdi Xaashi ayaa cabsho ka gudbbiyay Qoor-qoor iyo koox la socota oo la baxday “Waaya-arag” wuxuuna ku eedeeyay in ay wali u heellanyihiin hirgalita hammigii Farmaajo ee ahaa in Mahdi Guuleed, u soo xulo shaqsiyaad guul-wadayaal u ah si uu u helo codadka reer Waqooyi.

Labadaan garab ayaa wajahaya, cadaadis kaga imaanaya Madaxda shirka fadhisa oo Ra’iisul Wasare, Rooble ugu horreeyo, waxaana laga dalbanayaa, in ay si ugu dhaqsiyaha badan u gaaraan heshiis, si aysan carqalad ugu noqon wada-xaajoodka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.