Maxaan ka ognahay Drones-ka Turkiga ee la keenay dalka?

Diyaaradaahan oo ah nuuca ugu casrisan ee Turkigu hadda ku dagaal galo ayaa hore loo geeyay dalalka, Azerbaijan, Libya, Qatar, Turkmenistan, Kyrgyzstan, Morocco, Algeria, Poland, Ethiopia, Ukraine, Latvia, Tunisia iyo Kazakhstan.

Warar Keydmedia Online
Maxaan ka ognahay Drones-ka Turkiga ee la keenay dalka?

MUQDISHO, Soomaaliya – Sida ay xaqiijinayaan ilo kala duwan oo xog-ogaal ah, Safaaradda Turkigu ku leeyahay Soomaaliya ayay soo gaareen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB2, kuwaas oo durba la sheegay in ay billaabeen howlgallo sirdoon.

Ugu yaraan labo diyaaradood oo nuucoodu yahay, kuwii ay qaban waayeen radaarrada Rushka farsameeyo, ee guulaha kasoo hooyay dagaalladii Syria, Libya iyo dirirtii u dhaxeeyay Aserbajan iyo Armenia, ayaa lagu arkay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Sida ay ogaatay Keydmedia Online, Turkiga ayaa diyaaradahaan ka dhigaya kuwo uu ku xoojinayo ammaanka safaaraddiisa iyo xereda tababar ee ugu weyn ee uu ku leeyahay meel ka baxsan gudaha dalkiisa, wuxuuna Drones-kan u diiwaan galiyay kaliya kuwa basaasidda.

Inkastoo ay qeyb ka qaadan karaan la socodka howlo gaar ah, loona adeegsan karo ururinta macluumaadka ay duubaan kaamirooyin lagu xiro, haddana KON ayaa fahansan in Bayraktar TB2, ay caan ka tahay fagaarayaasha dagaalka, loona sameeyay fulinta duqeymaha arxan-darrada ah.

Xilliga dalka la keenay oo ah kala guur uu dhamaaday waqtigii sharciga ahaa ee ha’adaha Dowladda, khilaaf xooganna hareeyay doorashooyinka iyo damaca sii joogitaanka Farmaajo, ayaa abuuray shaki xooggan, waxaana durba diyaaradaahan walaac ka muujiyay xubno ka tirsan mucaaradka.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur, wuxuu xusay in marka la eego in dagaalka sokeeye ee Itoobiya loo adeegsanayo Drones, lagana shidaal qaato isku xiranka Abiy, Farmaajo iyo Isaias Afwerki, loo baahan yahay in maamulka Erdogaan uu caddeeyo u jeedka xilligaan dalka loo keenay Bayraktar.

“Dowladda Turkiga ee aan walaalaha nahay waa in ay hubiyaan waxa loo adeegsanayo darooniska ay dalka keeneen, saraakiisha loo tababarayo, waana in ay sidoo kale xaqiijiyaan in aan dano shakhsi ah iyo dagaal aan midka argagexisada ahayn loo adeegsanin”. Ayuu yiri Warsame.

Bishii Maarso ee sanadkaan, maalmo ka hor muddo kordhintii fashilantay, ayaa baraha bulshada lagu baahiyay sawirrada Saraakiil Soomaali ah oo la sheegay in loo tababaray, Bayraktar TB2, hayeeshee, xogaha ayaa caddeynaya inuu hadda tababar diyaaradda ku saabsan u socodo dhallinyaro ku sugan Ankara.

Diyaaradaahan oo ah nuuca ugu casrisan ee Turkigu hadda ku dagaal galo ayaa hore loo geeyay dalalka, Azerbaijan, Libya, Qatar, Turkmenistan, Kyrgyzstan, Morocco, Algeria, Poland, Ethiopia, Ukraine, Latvia, Tunisia iyo Kazakhstan.

Sanad kadib burburkii Kacaankii Siyaad  Barre,  ayaa Soomaaliya la saaray cunaqabateynta hubka, sida ku cad qaraarka ka soo baxay Golaha ammaanka oo uu tirsigiisu ahaa 733, tan iyo xilligaasna Soomaaliya looma oggolaan hubka culus ee diyaaradaha dagaalku ugu horreeyaan.

Turkigu, wuxuu Soomaaliya ka dhisay saldhigga ugu weyn ee uu ku leeyahay dibadda, waxaana lagu tababaraa Ciidamada qalabka sida, gaar ahaan kuwa loo yaqaan Gorgor iyo Haramcad.

Sidoo kale, shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airlines ayaa ah diyaaradda kaliya ee caalami ah duulimaadyo toos ah ka sameysa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, marka laga yiraamdo Ethiopian Airlines, oo aan cago buuran ku taagneyn.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.