Maxakamada Banaadir oo xukun ku riday ajaanib lacag sharci darro ah dalka keenay

Muqdisho (Keydmedia) - Maxkamada gobalka Banaadir ayaa maanta waxa ay xukun ku riday rag ajaanib ah oo si sharci darro ah lacag malaayiin doolar ah ku soo geliyay dalka mudo bil kahor ah.
Warar Keydmedia Online

Maxkamada ayaa waxa ay lix ruuo oo lacagtaasi kenidooda masuul ka ahaa ay kuriday xabsiya u dhexeeya 10 ilaa 15 sano iyo lacago ganaax ah oo u dhexeeya US$10,000 ilaa US$15,000, waxaana lasheegay in labadii diyaarad ee lacagtaasi midina keentay midna qadi laheyd iyo lacagtiiba dowladu lawareegtay.

Maxkamadu waxa ay ku xukuntay Labo nin oo iyagu lacagta weday oo u kala dhashay Mareykanka iyo Ingiriiska laguna kala magacaabo Andrew Robet iyo  Batrk Barinham min  15-sano oo xarig ah iyo 15,000 oo dolar halka labadii duuliye ee diyaaradaha iyo labadoodii caawiye lagu kala xukumay 10 sano oo xarig ah  iyo US$10,000.

Ragaan ayaa waxaa lagu qabtay garoonka diyaradaha ee Muqdisho 24-kii May xilli ay doonayeen in ay lacago gaaraya 3.6mn oo doolar iskula warejiyaan gudaha garoonka waxa ayna sheegeen in ay lacagaha u waden burcad badeed markab ku heesta xeebaha Soomaaliya si ay u daayaan markabka iyo shaqaalaha lasocda.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.