Maxay Al-Shabaab Odayaal hal beel kasoo jeeda ugu dishay Muqdisho?

Labada Ganacsade ee la dilay labadii habeen ee ugu dambeysay ayaa kasoo wada jeeda beesha Saleebaan ee Habargidir, waxaana la rumeysan yahay in arrimo la xiriira dagaalkii Baxdo, ee lagu laayay Al-Shabaab loo beegsaday.

Warar Keydmedia Online
Maxay Al-Shabaab Odayaal hal beel kasoo jeeda ugu dishay Muqdisho?

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo Oday dhaqameed, oo kasoo wada jeeday Beesha degta Cadaado ayaa labo Habeen oo isku xigta Kooxda Al-Shabaab ku khaarijisay magaaladda Muqdisho.

Alllah ha u naxariistee Nabadoon Sheekh Cabdi Faniinte, oo sidoo kale ahaa ganacsatada waaweyn ee dalka ayaa xalay fiidkii Koox hubeysan ku dishay xaafadda Tabeelaha Sheekh Ibraahim, oo duleedka Muqdisho ku taalla.

Habeen hore, sidan oo kale ayaa banaanka Masjid ku yaalla Xaafadda Juungal ee degmada Yaaqshiid waxaa lagu dilay Sheekh Salaad Ciise, oo isna ahaa ganacsade aad looga yaqaaney Muqdisho.

Labada Ganacsade ee la dilay labadii habeen ee ugu dambeysay ayaa kasoo wada jeeda beesha Saleebaan ee Habargidir, waxaana la rumeysan yahay in arrimo la xiriira dagaalkii Baxdo, ee lagu laayay Al-Shabaab loo beegsaday.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in ujeedkeedu yahay inay ku cadaadiso Beesha Saleebaan inay ka baxdo dagaalka ka socda Galgaduud iyo Mudug, gaar ahaan midka Baxdo oo Kooxda jab weyn lagu gaarsiiyay dhawaan kadib markii weerar ay soo qaadey ay dadka degaanka iska caabiyeen.

Waa dhacdo ugub ah oo Al-Shabaab hadda billowday in hadii looga adkaado dagaal ka dhacay gobollada, ay Beesha degaanka degta indheer-garadkeeda iyo Odayaasheeda ku beegsato Muqdisho, si aargoosi ah.

Dhawaan ayay Odayaal kasoo jeeda Beesha Qubeys [Dir] algu dilay Muqdisho kadib markii Kooxda lagu jebiyay dagaal ka dhacay Bacaadweyne, oo katirsan Koonfurta gobolka Mudug.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.