Maxay Beesha Caalamku ka tiri kiiska Ikraan Tahliil?

Waxa ay madaxda Soomaaliya, ugu baaqeen in ay ka wada shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa hirgelinta Heshiiskii 27-kii bishii May, lagu saxiixay Caasimadda si loo qabto doorashooyin loo dhanyahay.

Warar Keydmedia Online
Maxay Beesha Caalamku ka tiri kiiska Ikraan Tahliil?

MUQDISHO, Soomaaliya - Wakiillada Beesha Caalamku ee fadhigoodu yahay Muqdisho, ayaa ka cabsi qaba in muranka ku gedaaman kiiska Ikraan Tahliil Faarax uu abuurayo xiisado siyaasadeed oo saamayn ku yeelan kara habsami u socodka shaqada Dowladda Federaalka, sida ku cad war saxaafadeed ay soo saareen.

“Waxaan ku boorineynaa madaxda Soomaalida inay dejiyaan iska horimaadka siyaasadeed ee ku gedaaman baaritaankan, gaar ahaanna ay ka fogaadaan fal kasta oo horseedi kara rabshado”.  Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay UNSOM.

Wakiillada Shisheeye, waxa ay sheegeen in loo baahan yahay in si deg deg ah loo xalliyo khilaafka ka dhex aloosan xaafiisyada Farmaajo iyo RW Rooble, isla-markaana baaritaan lagu kalsoonaan karo lagu sameeyo kiiskaa Ikraan.

“Waxaan sii wadaynaa xiriirka aan la yeelano madax Soomaaliyeed oo badan si aan ugu boorinno in si degdeg ah loo xalliyo khilaafkan, oo ay ku jirto baaritaan lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan waayitaanka Ikraan iyo dhammaystirka geeddi socodka doorashada iyada oo aan dib u dhac kale dhicin”. Ayaa sidoo kale yiri warka (Beesha Lixaad).

Waxa ay madaxda Soomaaliya, ugu baaqeen in ay ka wada shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa hirgelinta Heshiiskii 27-kii bishii May, lagu saxiixay Caasimadda si loo qabto doorashooyin loo dhanyahay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.