Maxay DF ka tiri go’aanka Kenya ku joojisay duulimaadyada tooska ah?

Dowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa layaab ku tilmaantay go’aanka Kenya ku joojisay duulimaadyada tooska ah ee labada dal.

Warar Keydmedia Online
Maxay DF ka tiri go’aanka Kenya ku joojisay duulimaadyada tooska ah?

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Gadiidka Duulista Hawada ee Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Duraan Faarax, oo warbaahinta Dowladda la hadlay ayaa sheegay in Kenya aysan wax xiriir ah la soo sameyn Soomaaliya ka hor inta aysan ku dhawaaqin go’aanka ay ku joojiyeen duulimaadka.

Wasiir Duraan, wuxuu sheegay in ga’aankaani uu Dowladda Fadaraalka ku noqday layaab, maadaama laga shaqeynayay in si buuxda loo soo celiyo xiriirka labada waddan, waraaqda saakay soo baxdayna ay tahay mid lama filaan ah.

Wuxuu xusay in labada waddanba ay arrintaani saameyn ku yeelan doonto, wuxuuna sheegay in Dowladda Fadaraalka Soomaaliya ay ka fariisan doonto dhawaan lana soo saari doono go’aan munaasib ah.

Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, ayaa hore u sheegtay in gabi ahaanba aan dalka la keeni karin qaadka dalka Kenya ee loo yaqaan Miirowga, taas ayaana sababtay in Keyna ay saakay soo saarto go’aan ay ku joojisay duulimaadyada tooska ah ee labada dal.

Go’aannadaan diblumaasiyadda dhaawacaya ayaa meesha ka saari kara waan-waantii uu waday waddanka Qatar, ee ku aaddanaa dib u soo nooleynta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.