Maxay hooyada Ikraan ka tiri hadalka Buulle-kamey?

Rooble, wuxuu u muuqdaa inuu heshiis daneysi siyaasadeed ah la galay Farmaajo, isla-markaana uusan wixii xilligan ka danbeeya diyaar u ahayn ka shaqeynta maslaxadda dalka uu xilka waqti-gaarsiinta ah u haayo.

Warar Keydmedia Online
Maxay hooyada Ikraan ka tiri hadalka Buulle-kamey?

MUQDISHO, Soomaaliya - Maamo Qaalli Maxamuud Guhaad oo ah hooyada Ikraan Tahliil Faarax, ayaa ku gacan sayrtay hadal dhawaan ka soo baxay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, General Cabdullaahi Buule-kamey, kaas oo hoggaaminayay guddi uu Ra’iisul Wasaaraha Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, u xilsaaray barista kiiska Ikraan.

Qaalli Maxamuud Guhaad, ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaantay baaris hordhac ah, oo lagu bari-yeelay eedeysanayasha kala ah; Fahad Yasiin, Kullane Jiis, Yaasiin Farey iyo Wadne-qabad, oo gacmahooda lagu tabayo Ikraan Tahliil.

“U jeedka laga leeyahay waa in dadka na dhibaateeyay oo hadda xasaanad raadsabaya uusan kiisku caqabad ku noqon mana aqbaleyno warka ka soo baxay ragga Farmaajo soo adeejiyay”. Ayay tiri Qaalli Guhaad.

Dhamaan, Fahad, Kullane iyo Yaasiin Farey, ayaa u taagan ka mid noqoshada Baarlamaanka 11-aad ee JFS, waxayna caawa Dhuusamareeb ku hoyanaya Yasiin Farey, oo Qoorqoor u xiray tartanka kursiga HOP-067, kaas oo askar ka tirsan NISA, dooran doonaan.

Shacabka Soomaaliyeed, ayay layaab ku noqotay tallaabooyinka is xigxigay ee ka dhanka ah ballanqaadyadii Ra’iisl Wasaaraha ee dhaqan galay 48-kii ee la soo dhaafay, waxaana si weyn loogu baraarugay in Farmaajo iyo Rooble, ay wali yihiin saaxiibbo siyaasadeed isku daaban.

Rooble, wuxuu shalay shaqada ka racdeeyay Wasiirkii Arrimaha Dibadda, Maxamed C/risaaq, oo aad ugu dhawaa xaafiiskiisa, wuxuuna ku badelay Cabdi Saciid Muuse Cali, oo ah gacanta midig ee Farmaajo, isla-markaana ka mid ah shaqsiyaadka falkiya fidnada Gobolka Banaadir.

Waxaa qorshe maleegan oo aargoosi ah, lagu dilay Cabdicasiis Maxamuud Gulleed [Afrika], halka lagu dhaawacay Sharma’arke Maxamed Warsame, oo ahaa Agaasimayashii horseeday in qoraallada Farmaajo laga mamnuuco Warbaahinta Qaranka, hayeeshee, Rooble, wuxuu beegsigaas dusha ka saaray Al-Shabaab.

Dhawaan safar saddex maalin ah, oo uu ku tagay Dhuusamareeb, wuxuu hore u sii kaxeeyay Yaasiin Farey, oo boobka kursiga HOP-067, kadib, noqonaya wakiilka Farmaajo ee ku sugan Galmudug, inta la soo af-meerayo doorashada kuraasta Golaha Shacabka almudug.

Rooble, wuxuu u muuqdaa inuu heshiis daneysi siyaasadeed ah la galay Farmaajo, isla-markaana uusan wixii xilligan ka danbeeya diyaar u ahayn ka shaqeynta maslaxadda dalka uu xilka waqti-gaarsiinta ah u haayo.

Farmaajo ayaa geed dheer iyo mid gaaban u koray siduu u dabooli lahaa kiiska Ikraan Taliil Faarax oo sababsatay xog aroorin ay ku sameysay dilkii Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Yariisow.

KEYDMEDIA ONLINE  

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.