KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Tallaabada ay Xildhibaannadu ku diideen mooshinka ka dhanka ahaa Farmaajo kuna oggolaadeen inuu noqdo Xildhibaan aan dhicin waxa ay ka dhigan tahay in ay diideen in lagala xisaabtamo wixii uu gabood-fal galay intii uu joogay Madaxtooyada Soomaaliya.
MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS, ayaa maanta oggolaaday in Xildhibaan aan dhicin loo dhaariyo Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo hore loogu jeediyay eedo la xariira jarriimooyin waaweyn.
Xildhibaannadu waxa ay cod gacan taag ah ku diideen mooshin ka dhan ahaa Farmaajo oo Xildhibaanno uu hor kacayay hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ay ku doonayeen in dib loo dhigo dhaarta guddi baarisna loo saaro eeddooda.
Xildhibaannada mooshibka soo gudbiyay waxa ay Farmaajo ku eedeeyeen danbiyo xad-gudub ku ah xuquuqda bani’aadamka iyo ku tumashada qodobbada dastuuriga ah ee 10-aad, 13aad, 15aad, 18aad, 19aad iyo 34aad oo ka hadlaya xoriyadda iyo xuquuqda qofka.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo xarunta Golaha hadal kooban ka jeediyay wuxuu sheegay in Farmaajo yahay danbiile u baahan la xisaabtan, uusana u qalmin ka mid noqoshada Xildhibaannada, hayeeshee hadalkaas Xildhibaannadu dhag jalaq uma siin.
Cabdiraxmaan wuxuu xusay in Farmaajo lahaa amarkii hoygiisa loogu soo duulay 17-kii December 2017 ee lagu laayay ilaaladiisii, amarkii la doonayay in Madaxweynayaal hore lagu dilo iyo dhacdooyin kale oo ay ka mid tahay dilkii Ikraan Tahliil Faarax.
Tallaabada ay Xildhibaannadu ku diideen mooshinka ka dhanka ahaa Farmaajo kuna oggolaadeen inuu noqdo Xildhibaan aan dhicin waxa ay ka dhigan tahay in ay diideen in lagala xisaabtamo wixii uu gabood-fal galay intii uu joogay Madaxtooyada Soomaaliya.
Sidoo kale, waxaa loo fasiran karaa in Xildhibaannadu Madaxda hadda joogta Villa Somalia u direen farriin ah in ay gali karaan jarriimooyinkii ay doonaan oo haddii Farmaajo ku dhawaaday inuu dilo MW-yaal hore uu Xasan hadda Farmaajo qudhiisa khaarijin karo.
“Siyaasi ama hoggaamiye walba waxaa dabra waa damiir iyo dastuur. Xildhibaannada maanta diidday in Farmaajo lala xisaabtamo, waxay jeeg maran siiyeen madaxda maanta iyo kuwa berri”. Ayuu yiri Warsame oo xusay in isla xisaabtankii meesha ka baxay.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.