Maxay ka dhigan tahay ka bixitaanka Ahlu Sunna ee Guriceel?

Maalmihii la soo dhaafay dagaal xoogan ayey Galmudug la gashay Ururka Ahlu Sunna,taasoo keentay in xalay ay isaga baxaan degmadaasi.

Warar Keydmedia Online
Maxay ka dhigan tahay ka bixitaanka Ahlu Sunna ee Guriceel?

GURICEEL, Soomaaliya - Urur diimeedka Ahlu Sunna ayaa awood muuqata oo ka arimisa Gobolada Dhexe ahaa 12-kii sano ee ugu danbeysay, waxaana Ururku uu noqday midka keliya ee libin ka soo hoyey dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab.

Muddo 2 sano ah oo laga fara maroojiyey taladii iyo quwadii ciidan ee ay ku lahaayeen Galmudug, iminka waa ay soo rogaal celiyeen, iyagoo horrantii bishan gacanta ku dhigay degmada Guriceel oo ay xalay isga baxeen, kadib dagaal maalmo qaatay iyo wada hadalo lala yeeshay.

Hadaba ka bixitaanka Ahlu Sunna ee Guriceel, mana noqon kartaa dhamaadka Ururkaas?

Waxaa weydiimahaasi shaki ballaaran galinaya dadka qibradda u leh arimaha siyaasadda iyo amaanka, kuwasoo sheegaya in ay adag tahay in Ahlu Sunna laga ciribtiro Galmudug.

Dadkan gorfeeya Siyaasadda ayaa sheegaya in aysan suurta gali karin arintaasi, iyagoo soo xiganaya in Ururka uu heysto taageerada dadka shacabka ah, kuwaasoo badankooda aan ku qanacsaneyn talada gurcan ee hoggaanka Maamulkaasi oo lagu eedeeyo inuu daacad u yahay kooxda sida sharci darrada ku fadhisa Madaxtooyada Soomaaliya.

Dadkan ayaa sheegaya in qaabka ururka ay Guriceel uga baxeen ay xaaladda sii murjineyso, taasoo sida ay sheegayaan keeneysa in ASWJ ay fariisimo ka sameysato degaannada miyiga ah, isla-markaana ay halkaasi ka soo qaado weeraro joogta ah oo dhaawacaya midnimada dadka reer galmudug, abuurayana falal amni darro oo hor leh.

Qubarada ku xeel dheer amniga ayaa soo jeedinaya in ay lagama maarmaan tahay in lala yeesho wada hadal rasmi ah, iyadoo la dhageysanayo tabashada ay qabaan Ururkaasi, si ay meesha uga baxdo kala qeybsanaanta xilligan ka jirta Galmudug.

Ugu danbeyntii Urur diimeedka SUFA ayaa lagu xantaa koox uu waalayo damac siyaasi ah, kuwaasoo aanan aqoon hilinkii ay kaga lib keeni lahaayeen hanka siyaasadeed ee ku jira, waxana qeyb ka mid ah bulshadu ay u aragtaa kuwa caqabad weyn oo taagan ku noqon doona in muddo ah dhismaha  Galmudug.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.