KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Qaar ka mid ah Wakiillada Beesha Caalamka ee jooga Soomaaliya ayaa maanta gaaray degaannada maamulka Puntland, waxayna kulan la qaadeen Madaxweyne Saciid Deni.
GAROWE, Soomaaliya - Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayo Ergayga Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Ambs. James Swan, ayaa maanta gaaray maagalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.
War kasoo baxay Madaxdooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Siciid Cabdullaahi Deni, uu maanta Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay waftiga uu hoggaaminayo Swan, isla-markaana ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka Puntland iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya.
“Beesha Caalamka ayaa uga mahadcelisay Madaxweyne Deni doorkii ay Puntland ka qaadatay in dalku doorasho u jiheysto, waxayna Wakiilada Beesha caalamka bogaadiyeen dardargelinta doorashada iyadoo la tixgelinayo Kootada Haweenka”. Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay maamulkaas.
Sidoo kale, kulanka ayaa looga hadlay doorashooyinka qof iyo codka ah ee la filayo in markii ugu horreysay ee ka qabsoomaan degaanada Puntland, tan iyo burburkii Dowladdii dhexe ee Soomaaliya.
Kulanka waxaa sidoo kale lagu jeexjeexay arrimo la xariira horumarnta dhaqaalaha, La dagaalanka Ayaxa, iyo Tallaalka Covid19.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.