Maxay ka wada-hadleen Xasan Sheekh & Yoweri Museveni?

Madaxweynayaashu waxa ay si wadajir ah Wasiirrada Arrimaha Dibadda Labada dal oo goob-joog u ahaa heshiisyada u fareen in ay xaqiijiyaan dhaqan-gelinta go’aannada iyo talooyinka ka soo baxay Kulankii koowaad ee Guddiga Joogtada ah ee labada dal.

Warar Keydmedia Online
Maxay ka wada-hadleen Xasan Sheekh & Yoweri Museveni?

KAMPALA, Uganda – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo galinkii danbe ee shalay gaaaray magaalada Kampala ayaa xalay kulan la qaatay Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, iyagoo ka wada hadlay horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya, Labada Madaxweyne ayaa dhiirrigeliyey qabasoomidda Kulanka 1-aad ee Xubnaha Joogtada ah ee Guddiga Isku dhafka labada dal (JPC), kaasoo u xil-saaran kobcinta iskaashiga diboomaasiyadda.

JPC wuxuu sidoo kale u xil-saaran yahay kobcinta arrimaha Siyaasadda, wadashaqeynta dhanka amniga iyo ganacsiga, sidoo kale Madaxweynayaashu waxa ay soo dhaweeyeen Is-afgaradyada ay Kampala ay ku kala saxiixdeen Wasiirrada DF iyo dhiggooda Uganda.

Madaxweynuhu wuxuu hoggaanka Uganda uga mahadceliyay kuna bogaadiyey mowqifka ay ku taageereen codsiga dowladda Soomaaliya ee ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo doorkooda ku aaddan nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka.

“Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey Madaxweyne Yoweri Museveni, Dowladda iyo shacabka dalkiisa garab istaagga ay u muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaan doorkooda ku aaddan nabadda iyo xasilloonida” ayay tiri Villa Somalia

Madaxweynayaashu waxa ay si wadajir ah Wasiirrada Arrimaha Dibadda Labada dal oo goob-joog u ahaa heshiisyada u fareen in ay xaqiijiyaan dhaqan-gelinta go’aannada iyo talooyinka ka soo baxay Kulankii koowaad ee Guddiga Joogtada ah ee labada dal.

Madaxweynaha Soomaaliya inta uu ku sugan yahay dalka Uganda waxa uu ka qeyb gali doonaa madasha dhaqaalaha Soomaaliya iyo Uganda oo dalkaas ka furmi doonta, iyadoo la gorfeyn doono iskaashiga ganacsiga, maalgashiga iyo kobaca waxsoosaarka labada dal.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.