KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Magaaladda ayaa faaruq ah oo ay ka qaxeen dadkii deganaa, iyadoo Ciidamo badan ay kala joogaan labada dhinac ee Galbeedka iyo Bariga.
GURICEEL, Soomaaliya - Xaaladda magaaladda Guriceel, ee gobolka Galgaduud ayaa saakay degan, inkastoo xiisad ay jirto, oo la maqlay xabado teel teel ah oo meelaha qaar ka dhacaya, waxaana qeybta bari ee Jaamacada ku sugan wali Ahlu Sunna.
Ciidamada dowladda waxay helayaan gurmad uga imaanaya Dhuusamareeb, iyadoo Ahlu Sunna ay wajahayso culeys military oo Villa Somalia saartay kadib markii askarta sida gaarka ah Turkiga u tababaray ee Gorgor la geeyay Guriceel, oo dagaalka ku biiray.
Ma jirto waan-qaan laga dhex-wado dhinacyada, oo colaadda lagu joojinayo, waxaana waqti kasta la filan karaa dagaalka inuu dib u qarxo, sida ay sheegayaan dadka fara ku tiriska ee ku harey magaaladda, oo maalintii 3aad ku jirta xaalad dagaal.
Hogaanka Ahlu Sunna ayaa loogu baaqay shalay inuu isa soo dhiibo, balse ay diideen Sheekh Cali Shaakir iyo Maclin Maxamuud, oo ka doortay is-dhiiista dagaal inay magaaladda uga saaraan Ciidamada kusoo duulay. Khasaaro badan ayaa ka dhashay colaadda sokeeye ee Galmudug.
In ka badan 30 qof ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay lagu dilay dagaalka Guriceel, waxaana ku dhaawacmay ku dhawaad 100, oo qaar dhaawacyadooda la geeyay Gaalkacyo.
Farmaajo ayaa dagaalka Al-Shabaab Ciidankii loogu tala-galay u adeegsanaya colaadaha sokeeye, isagoo afartii sano ee uu Madaxweynaha ahaa dumiyay maamulada Federaalka, sidoo kalena mucaaradka iyo war baahinta madaxa-banaan ku caburiyay Muqdisho.
Qoor-Qoor oo u adeega danaha Villa Somalia ayaa ku fashilmay balan-qaadkii doorashadda kuso galay ee ahaa inuu mideynayo Galmudug, islamarkaana uu hal-dhig ka dhigtay reer Galmudug waxay qoriga ku bedesheen yaambada.
KEYDMEDIA ONINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.