KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Wada-hadalladii u socday Rooble iyo Farmaajo, ayaa qarka u saran in ay burburaan, kadib markii uu Farmajo diiday in uu ka tanaasulo qodobada ubucda u ah khilaafka.
MUQDISHO, Soomaaliya – Sida ay sheegayaan xogo soo baxaya Farmaajo, ayaa Madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Mursal ku wargaliyay in ay laga maarmaan tahay in ay howlgalaan guddigii uu qaabka fowdada ahaa ugu saaray Kiiska Ikraan Tahliil, isla-markaana uu doonayo in RW Rooble aqbalo in arrinta lagu dhameeyo kiiska kuwaas oo kala ah;
Farmaajo, wuxuu Qoorqoor iyo Mursal oo sheegay in ay iskood isku xilqaameed dhagahooda ku dhibciyay in uusan ogolaan doonin in Gen. Bashiir Goobe, si KMG ah u sii hayo xilka agaasinaga NISA, wuxuuna ku adkeystay in Yaasiin Farey uu yahay shaqsig uu u aqoonsan yahay inuu ugu sarreeyo hay’adda.
Farmaajo, wuxuu si aan ka gambad lahayn u sheegay in Wasiirka Amniga Cabdullahi Maxamed Nuur loo wareejiyo Wasaarad kale, isaga oo ka cararya saameyntiisa siyaasadeed.
Qoorqoor iyo Mursal, ayaa caawa ku wajahan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaa la filayaa in ay la wadaagaan qodobada uu Farmaajo u soo dhiibay.
Sida ay caddeynayaan ilo xog ogaal ah, gudiga dhexdhexaadintu, waxa ay isku dayeen, in ay Farmaajo ku qanciyaan saddex qodob kuwaas oo kala ah;
Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda, ayaa la fahansan yahay inuu hore u diiday shuruudahaas, waxaana la filayaa in ay caawa fashil ku soo dhamaan karaan waan-waantii ay garwadeynta ka ahaayeen Qoorqoor iyo Maxamed Mursal.
Dadaallo dhex-dhexaadin oo ay sidaan oo kale, garwadeyn ka ahaayeen Lafta-gareen iyo Qoorqoor, ayaa burburay 12-kii bishaan, kadib markii Farmaajo diiday in kiiska caddaalad raadinta Ikraan loo daayo hay’adaha garsoonka, isla-markaana uu si buuxda uga horyimid magacaabidii Ra’iisul Wasaaraha ee Bashiir Goobe.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.