Maxay tahay eedda loo jeediyay C/raxmaan Cirro?

Xiisadaha siyaasadeed ee Somaliland oo salka ku haya muran ka dhashay doorashooyinka ayaan wali xal loo helin, waxaa bishii hore natiijo la’aan ku soo dhamaaday wada-hadalladii u socday xisbiyada Mucaaradka iyo Xukuumadda.

Warar Keydmedia Online
Maxay tahay eedda loo jeediyay C/raxmaan Cirro?

HARGEYSA, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa Musharraxa Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, Cabdiraxman Maxamed Cabdullaahi [Cirro] ku eedeeyay inuu gacan-saar la leeyahay ciidan uu sheegay in ay Muqdisho ka yimaadeen oo ay Booliska Soomaaliland gacanta ku dhigeen.

Inkastoo siyaasiyiinta Xisbi xaakimka Kulmiye, marka ay durayaan Cabdiraxmaan Cirro ay la xariiriyaan Koofurta Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka, kuna eedeeyaan in aysan ka go’nayn qadiyadda ‘Gooni-goosadka’, haddana Wasiirka Arrimaha Gudaha wuxuu si aan gambasho lahayn u sheegay inuu hayo caddeymo buuxa oo arrinkaas la xariira.

“Waxaa hadda gacanta lagu hayaa ciidan Muqdisho ka yimid, u-jeedkooduna yahay in ay falal argagixiso abuuraan, waxaan halkaan ka sheegayaa in Cabdiraxmaan Cirro uu xiriir la leeyahay ciidankaas, dadka lacagacaha u dirayna uu ka mid yahay, arrinkaas haddii uu beenoobo danbigiisa aniga ayaa qaadaya”. Ayuu yiri Maxamed Kaahin Axmed.

Hayeeshee, Musharraxa Xisbiga Waddani Cabdiraxman Cirro ayaa hadalka Wasiirka ku tilmamaay mid aan waxba ka jirin, “Waa beentii uu awalba caadeystay ee wax cusub maaha, waa been abuur aan sal iyo raad toonna lahayn, waa kaar aad marar badan xoqday balse aad ku guul darraysatay Siyaasadduna been & Qaaxoolaji maaha”. Ayuu yiri Cirro.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa sheegay in tan iyo bishii May ee sanadkaan oo ku beegan markii ay billowdeen bannaan-baxyada Xisbiyada mucaaradka ay soo gaarayeen digniino amni oo ka imaanayay beesha Caalamka, kuwaas oo sheegaya in qaraxyo iyo falal argagixiso ka dhici karaa degaannada Soomaaliland sanadkaan 2022.

Cirro ayaa ciidanka Nabadgelyada ugu baaqay in ay ka madax-bannaanaadan Siyaasadda & loollanka oo dhan, isla-markaana u diyaar garoobaan sugidda amniga mudaharaadayaal saaka la filayo in ay isku soo baxaan dhamaan gobollada Soomaaliland, kuwaas oo ah taageerayaasha xisbiyada mucaaradka ah ee UCID IYO WADDANI.

Xiisadaha siyaasadeed ee Somaliland oo salka ku haya muran ka dhashay doorashooyinka ayaan wali xal loo helin, waxaa bishii hore natiijo la’aan ku soo dhamaaday wada-hadalladii u socday Mucaaradka iyo Xukuumadda, mar kale dhinacyadu waxa ay isla-fahmi waayeen hannaanka bannaan-baxyada, wada-xaajoodyadii u danbeeyay ayaana burburay.

Dabayaaqadii bishii hore, Hoggaanka Xisbiyada mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI, Faysal Cali Waraabe iyo Xirsi Cali Xaaji oo warbaahinta la hadlay ayaa Madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyay inuu ku adkeystay in doorashada lagu galo go’aanka Maxakamadda, taasina keentay burburka wada-hadallada iyo in xaalku faraha ka baxo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.