Maxay tahay sababtuu Farmaajo u joojiyay doorashadda Somaliland?

Cabdi Xaashi ayaa ku yeeshay saameyn soo xulista Musharixiinta kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland, iyadoo kursigiisa ka dhigay mid aan lagula tartamaynin.

Warar Keydmedia Online
Maxay tahay sababtuu Farmaajo u joojiyay doorashadda Somaliland?

MUQDISHO, Soomaaliya - Xogo hoose oo Keydmedia heshay ayaa sheegaya in Farmaajo uu ka dambeeyay dib u dhigista doorashadda kuraasta Aqalka Sare ee gobollada Waqooyi.

Labo arrimood baa sida xogtu sheegaysu ku kalifay Farmaajo inuu farageliyo doorashadda - kuwaasoo kala ah inuu Cabdi Xaashi soo laabanayo iyo inay farahiisa ka baxayeen kuraasta.

Saacado kahor inta aysan Musharixiinta billaabin hadal-jeedintooda Maanta ayuu Farmaajo qaadey tallaabo degdeg ah oo ku joojinayo, isagoo xalay xafiiska ugu yeeray Odayaasha dhaqanka ee goboladda Waqooyi ee soo xulayay Ergada doorashadda, wuxuuna ku wargeliyay inuu hakiyay doorashadda.

Gudiga doorashadda ayaa labo fariin iska soo daba diray saacado gudahiida illaa xalay, waxaana qoraalkii ugu dambeeyay ku shaaciyay inay dib u dhacday doorashadda, mana sheegin waqtiga kale ee la qabanayo.

Waxay ahayd tallaabo laga filayay Farmaajo inuu ku dhaqaaqo, maadaama uusan ku qancin sidii loo soo xulay Musharixiinta, oo kursiga 1aad uu Cabdi Xaashi xirtay, sidoo kalena ay kasoo muuqdeen shaxda xubno mucaarad ah.

Sida horey Keydmedia u baahisay, Farmaajo ayaa ku tashanaya kuraasta Somaliland, Banaadiriga, Gedo iyo Koonfur Galbeed, oo uu doonayo inay noqdaan taageeriyaashiisa daacadda u ah, si ay ugu codeeyaan doorashadda Madaxtinimada Soomaaliya.

Farmaajo way u cadahay inuusan helaynin dib u doorasho, waxaana marqaati u ah inuusan rabin doorasho xor iyo xalaal ah, oo loo siman yahay. Waxa uu doonayaa doorasho musuq-maasuq ku dhisan, oo isagu uu go'aan ku leeyahay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.