KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Heshiiskan ayaa dhacay kadib markii uu Rooble dhawaan kasoo laabtay dalka Qatar, oo wadahadallo kula soo yeeshay Madaxda dalkan mudada faragelinta ku haya arrimaha Soomaaliya.
MUQDISHO, Soomaaliya - Farmaajo iyo Rooble ayaa ku heshiiyay afar qodob oo xasaasi ah, kuwaasoo mudo dhowr bilood ah ay isku haysteen, waxaana hadda muuqata rajo cusub.
Kulan ay yeesheen oo uu dhex-dhexaadiyay Lafta-Gareen ayaa looga hadlay Dardar-gelinta howlaha Dooroshoyinka, Xoojinta wadashaqeynta Hay’adaha Amniga Qaranka, Xallinta kala aragti duwanaanshihii ka dhashay hoggaanka NISA iyo Kiiska Ikraan Tahliil Faarax.
Waxay isku raacay qodobadan:
3. In Wasiirka Aminiga Cabdullahi Maxamed Nuur uu sii wato shaqadiisa si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.
4. In Janaraal Bashiir Goobe loo magacaabo Wasiiru Dowle.
5. Madaxda ayaa isku raacay in Yaasin Farey uu ahaado kusimaha Taliyaha NISA inta Farmaajo kasoo magacaabayo taliye rasmi ah.
6. Madaxda ayaa isku raacay in kiiska Ikraan Tahliil Faarax loo daayo Hay’adaha Cadaaladda iyo Garsoorka, waxaana la faray hay’adaha amnigu in ay gacan ku siiyaan.
Waxay sheegeen inay ka xunyihiin walwalkii ay shacabka dareemeen maalmihii la soo dhaafay, iyagoo u ballanqaaday in si midnimo leh ay uga wada shaqayn doonaan sidii ay dalka uga dhicilahayd doorasho hufan loona adkayn lahaa amniga guud ee dalka.
Heshiiskan ayaa dhacay kadib markii uu Rooble dhawaan kasoo laabtay dalka Qatar, oo wadahadallo kula soo yeeshay Madaxda dalkan mudada faragelinta ku haya arrimaha Soomaaliya.
Rooble ayaa u muuqday in Amiirka Qatar Sheekh Thamiim Bin Hamid oo ku casuumey dalkiisa in markii Doha ku kulmeen uu dhexdhexaadiyay isaga iyo Farmaajo, sidaasina markii uu Muqdisho kusoo noqday uu heshiiskan ku galay.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.