Max’ed Cabdi yuusuf: Baarlamaanka kama socon doono go’aanka Shariifyada

MUQDISHO(KEYDMEDIA)Xildhibaan Max’ed Cabdi Yuusuf oo ka mid ah raggii hore uga tirsanaa xukuumadihii tabar darada lagu eedey ee soo maray Dalka ayaa ku eedeeyay labada shariif in ay gaareen go’aan ku saleysan doonistooda.
Warar Keydmedia Online

Yuusuf waxa uu sheegay in go’aanka xil ka tagista Farmaajo uu yahay mid ku saleysan doonista shariifyada, waxaana uu tilmaamay in lagala xisaabtami doono arinkaasi, isagoona intaas ku daray tani in ay tahay talaaba muujineysa afduubka ay dowlada ugu jirto shaqsiyaadkaasi.

Ka sakow Max’ed cabdi Yuusuf waxaa jira xildhibaano, siyaasiyiin iyo shacab kale duwan oo canbaareen wadareed u jeedinayaan shariifyada Kampala ku soo wada saxiixay heshiiska lagu eryayo Farmaajo.

WWW.KEYDMEDIA.NET

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.