Maxey Soomaalida uga dhigan tahay doorashada Kenya?

Guud ahaan geeska waxaa loo dhag taagayaa doorashada madaxtinimo ee maanta ka dhaceysa Kenya, iyadoo dadka codeynaya ay ka mid yihiin Soomaalida ku abtirsata dhulka NFD, ee ay Kenya inaga heysato.

Warar Keydmedia Online
Maxey Soomaalida uga dhigan tahay doorashada Kenya?

NAIROBI, Kenya- Si ay u doortaan Madaxweynaha cusub ee Kenya, ku dhawaad 22 milyan oo Kenyan ah, oo qaatay kaararka codbixinta, ayaa maanta u dareeeri doona doorashada dalkaas, iyagoo codkooda ku ridi doono sanaadiiq la dhigay 46-kun oo goobood oo Kenya ka tirsan.

Doorashadan oo si weyn looga hadal hayo geeska Afrika, ayaa waxaa ku loolami doona siyaasiga Raila Odinga iyo madaxweyne ku xigeenka Kenya Wiliam Ruto.

Bulshada Soomaaliyeed ayaa il gaar ah ku heysa doorashadan, waana kuwa rajeynaya in natiijada aan la isku khilaafin, sababo la xiriira amnigooda gaarka ah, maaddaama ganacsiyo kala duwan ay ku leeyihiin dalkaasi.

Dadka codkooda dhiibanaya, ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah, dad Soomaaliyeed oo ka soo jeeda dhulka ay Soomaaliya ka heysato Kenya ee loo yaqaan NFD.

Soomaalida heysata dhalashada Kenya, ayaa la kala safan labada nin ee tartamaya, waxaana koox walba siyaasiga ay taageerayso ku qeexeysaa mid wax u qaban doona bulshada Soomaali Kenyanka ah, iyo kuwo kale ee ganacsiyada ku leh dalkaas.

Sida dadka la socda siyaasada gobolka ay aaminsan yihiin, dowlada Soomaaliya dhankeeda fursad weyn ayey u noqoneysaa doorashada Kenya, maaddaama ninka kursiga baneynaya uu dibindaabyo badan u geystay siyaasadda Soomaalida, isagoo had iyo goor ka dhex shaqeyn jiray dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada.

Waa billow cusub, oo haddii ay dowlada Soomaaliya u dhaba gasho, ay ku kala fur furi karto, xukuumadda Nairobi, iyo maamul goboleedyadii u rarnaa, ee danahooda ka fulin jiray gudaha Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.