Maxkamad ka socotay Jarmalka oo Xukuntay Burcad Badeed Soomaaliyeed - Warbixin

Berlin (KON) - Waxaa Maantay lasoo gabangabeeyay Maxkamad ka socotay Dalka Jarmalka mudo labo Sano ah oo lagu saaray Niman Soomaali ah oo lagu soo qabtay Xeebaha Soomaaliya laguna soo eedeeyay Burcad Badeednimo.
Warar Keydmedia Online

Maxkamadaan oo ka socotay Magaalda Hamburg ee Waqooyiga Dalka Jarmalka ayaa 10-kaan Nin oo Soomaalida ah ku riday xukun 2 ilaa 7 Sano ah.

Maxaabiistaan Soomaalida ah ayaa erayadii ey isku difaacayeen waxaa kamid ahaa in la fahmo Sababta ku kaliftay iney noqdaan Burcad Badeed, "Waayo Dhulkayagi oo aan Dowlada ka jirin, maciishadii oo nagu adkaatay iyo Anakoo badayadii ka kaluunsan weynay oo Maraakiib waaweyn ey Shabaakti aan u dhiganay Kaluunka naga Jarjaray" Ayuu yiri mid kamid ah Raggi la xukumay.

Dhanka kale Qolooyinka Mucaaradka ah ee Dalka Jarmalka ayaa waxey soo dhoobteen Barxada ey ku taalo Maxkamadu waxeyna wateen Boorar ey ku qoranyihiin "Dowlada Jarmalku Xaq uma leh iney xukunto Dadkaan Dagaankoodi laga xaalufiyay". Boorar kalenah waxaa ku qornaa "Laguma xiri karo Xabsi ku yaala Dalka Jarmalka ee waa in Gurigoodi loo diraa"

Sanadkii hore, waxaa soo baxay Dhaliilo badan oo ey ugu horeeso Qaabka Maxkamadu ey u dhaceyso iyo Difaaca aan nuxurka laheyn oo u doodayo Qareenka ey Maxkamadu u qabatay inuu difaaco Nimankaas Soomaalida ah oo lagu soo eedeeyay Burcad Badeednimo.

"Markii ey Maxkamadu u Qabato Qareen difaaca dambiilaha micnaheedu wuxuu u egyahay eedeesane aan isdifaaci karin" Sidaas waxaa u sheegay Wariyaha Keydmedia oo Goobjooga ka ahaa qaabka Maxkamada u dhaceyso Xusein Carab asagoo ku dooday dhoorjeerna ku celceliyay in lagu Qasbay Afduubka Markabka.

Keydmedia Online ayaa intii Hal sano ah waxey waday Ololo wacyi galin ah oo ku wajahan guud ahaan Azxaabta Dalka Jarmalka, gaar ahaan Xisbiga Mucaaradka oo ey ku wargalineyso Dhalinyaradaan lasoo Qabtay in loo garaabo loona baahanyahay in la dareemo Duruufaha ey ku jireen.

Sanadkaan Bilaawgeed ayaan helnay Warar sheegaya in midowga Yurub ay doonayaan inay weeraro ku qaadaan "Burcad Badeeda" Soomaalida ee ka ugaarsata badda Soomaaliya iyo badaha ku teedsan.

Waa xukunkii ugu horreyay ee noociisa oo kale oo ka dhaca dalka Jarmaka.

Keydmedia Online - Xafiiska Berlin

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.