Maxkamada ciidamada oo xukun dil ah riday

Muqdisho (KON) Maxakamada ciidamada qalabka sida ee Soomaalyia ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay gancan ku dhiigle Nuur Hilowle Cadaawe oo ka tirsanaa ciidamada xooga dalka.
Warar Keydmedia Online

 

Xukunkaan ayaa wuxuu ka danbeeyay kadib markii uu si barer ah ugu dilay askarigaan degmada Dherkenley marxuum la oran jiray C/rashiid Ciise Aw-Maxamuud.

C/laahi maxamed Muuse oo ka mid ah garsoorayaasha maxkamada ayaa ku dhawaaqay xukunkaan, waxaana sidoo kale uu sheegay inay jiraan danbiilayaal kale oo xukuno xabsi ah ay maxkamadu ku riday.

Askarta dowlada ayaa mar marka qaar waxay dilal bareer ah u geestaan dadka shacab ah eek u nool xaafadaha magaalada Muqdisho, haba ugu badnaadeene mar ay howlgalada ay samaynayaan.

Keydmedia Online xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.