Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo ka hadashay Xariga Taliyihii Asluubta

Muqdisho (KON) - Xili Labo Haben ka hore Ciidamada Amaanka Dowladda Soomaaliya ay gacanta ku soo dhigeen Taliyihii hore ee Ciidamada Asluubta Cabdi Max’ed Cismaaciil ayaa waxaa Xarigiisi ka hadlay Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida.
Warar Keydmedia Online

Afhayeenka Maxakamada Ciidamada Qalabka Sida C/laahi Max’ed Muuse (Keyse) ayaa sheegay in Maxkamadu aysan dib oga laaban doonin Go’aankeedii oo ahaa in ay Taliyaha ay horey Xabsi daa’in ugu xukuntay.

Waxuu intaa ku daray in Maxkamadu ay qaadi doonto oo kaliya danbiyo kale oo ku soo baxa Cabdi Maxe’ed Taliyihii hore ee Ciidamada Asluubta.

“Maxkamaddu waxay xukun madaxaa-ha-ku-furto ah ku ridday taliyihii hore ee ciidamada Asluubta oo dalka ka maqan, xukunkiisana kaas ayuu ahaan doonaa, haddii ay jiraan dambiyo kale oo soo kordhay, waxaa loogu dari doonaa kuwii hore"

Sidoo kale Afhayeen Keyse ayaa sheegay in aysan baxsan doonin Qof walba oo danbi ka gala Shacabka Somaaliyeed,asagoona u mahad celiyey Ciidamadii Gacanta ku soo dhigay Taliyahaan laqabtay.

Magaalada Muqdisho ayaa Labo habeen ka hor waxaa lagu qabtay Taliyihii hore ee Ciidamada Asluubta kaa oo la sheegay in uu xariir la lahaa Al-shabaab.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.