KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Xaawo Maxamed Xasan ayaa waxaa lagu xukumay 10-sano oo xarig ah, halka Aamino Faarax Cali lagu xukumay 20-sano oo xarig ah, waxaana la sheegay in ay ahaayeen dadkii ugu dambeeyay sagaal ruux oo maxkamada federal-ka ee magaalada Minneapolis ay xukunto todobaadkan.
Tan iyo waxii ka dambeeyay Bishii Septemper 11-keedii sanadkii 2001, waa xukunkii ugu horeeyay oo ay qaado maxkamada federal-ka ee magaaladaasi, islamarkaana xukun xabsiyo ah ku rido dad lala xiriirinayo Al Shabaab in ay taageeraan.
Qaadiga maxkamada federal-ka ee magaalada Minneapolis ayaa sheegay in ay jiraan dhalinyaro Soomaaliyeed oo heysta dhalashada America in ay kasoo tageen magaaladaasi islamarkaana ay ka dagaalameen Soomaaliya.
Wuxuu sidoo kale goobta ka sheegay in dhalinyaradaasi ay gaareyso tiradooda ku dhawaad 20-dhalinyaro ah kuwaasi oo uu qaarkood sheegay in ay ku dhinteen dalka Soomaaliya, iyaga oo ka barbar dagaalamaya Al Shabaab.
Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.