KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la sheegayaa in ay ka dambeyso kiiska wariye Gurbiye.
MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkmadda gobolka Banaadir oo todobaadkii hore soo gabagabeysy kiiska Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo katirsan warbaahinta Goobjoog ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday xukunka lagu riday wariyaha.
Maxkmadda ayaa sheegtay in suxufiga lagu xukumay 6 bilood oo xabsi ah iyo 5 milyan oo shillin Soomaali ah [$200], waxeyna maxkamadda sheegtay in kiiska wariyaha loo cuskaday qodobka 368aad oo ah faafinta warar been abuur oo ku daabacay bartiisa Facebook.
Wariyaha ayaa sidoo kale fursad loo siiyay in uu iibsan karo xukunka xabsiga, oo ah lix bilood, sida ay Maxkamaddu ku dhawaaqday.
Ururada u dooda suxufiyiinta oo qaarkood goobjoog ka ahaa xukunka lagu riday wariye Cabdicasiis Gurbiye ayaa sheegay in go'aanka uu ahaa mid sharci darro ah, islamarkaana wariyaha loo awood sheegtay, cadaaladna aysan jirin.
24-ka Bishii April ayaa wariye Cabdicasiis Gurbiye looga yeeray saldhiga degmada Hodan, iyadoo loo sii gudbiyay maxkamadda gobolka Banaadir, wallow markii dambe damiin lagu sii daayay.
Wariyaha ayaa loo heystay war uu ka qoray bartiisa Facebook, oo ku saabsanaa in mid kamid ah mashiinada neefta siiya bukaannadda COVID-19 ee yaallay Isbitaal Martiini ee Muqdisho uu qaatey Madaxweyne Farmaajo.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.