KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Gudoomiyaha maxkamadda Hargeysa Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan ayaa ku dhawaaqay in min sanad xabsi ah iyo min $500 oo ganaax lagu xukumay lix nin oo u dhashay ruushka, waxaana uu sheegay Hayaan in xariga ay iibsan karaan haday u baahdaan.
Sidoo kale Maxkamadda ayaa xukuntay diyaaradii ay la socdeen raggaasi waxaana lagu xukumay 4-kun oo doolar oo ganaax ah, waxaana diyaaradaan ay waday rasaas iyo agab kale oo milatari kuwaa oo ku sii jeeday gobalka Bari ee C/raxmaan Faroole Maamulo.
Qareenka raggan iyo diyraadooda u doodayay oo lagu magacaabo Khadar Maxamed Guuleed ayaa sheegay in xukunka ay ku qanacsanyihiin isla markaana diyaaradda ay raggaba ay ku cadaatay eedii loo heystay ee aheyd in ay hawada gobalkaasi ku xadgudbeen.
Www.keydmedia.net
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.