Maxuu Rooble kala hadlay Dhamancad iyo Gaagaab

Labada Guddoomiye, waxa ay dhisi doonaan Guddi ku meel gaar ah, oo ka shaqeeya dooshada Guddoonnada labada Aqal, si kadib loogu diyaar-garoobo doorashada kursiga ugu sarreeya dalka [Madaxweynaha].

Warar Keydmedia Online
Maxuu Rooble kala hadlay Dhamancad iyo Gaagaab

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa la kulmay Guddoomiyayaasha ku meel gaarka ah ee Golayaasha Baarlamaanka, Sen.Maxamed Cali Gaagaab iyo Xil.Cabdisalaan Xaaji Dhabancad, xilli ay berri labada aqal fadhiyo caadi ah yeelan doonaan.

RW Rooble iyo Guddoomiyayaasha KMG ah, ayaa ka wada hadlay sidii loo dardargalin lahaa dhammeystirka doorashooyinka, gaar ahaan u diyaar garowga doorashada guddoonka golayasha iyo Madaxweynaha, kuwaasoo ay garwadeyn ka yihiin hoggaanka ku meer gaarka ah ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS.

Labada Guddoomiye, waxa ay dhisi doonaan Guddi ku meel gaar ah, oo ka shaqeeya doorashada Guddoonnada labada Aqal, si kadib loogu diyaar-garoobo doorashada kursiga ugu sarreeya dalka, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in xildhibaannadu gali doonaan fasax gaaban si kuwa doonaya u soo cumreystaan.

Sida uu dhigayo Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, doorashada Guddoonku waxay noqonaysaa ilaa seddex (3) wareeg, Sida ku xusan qodobka, 65-aad  ee dastuurka faqradiisa 4-aad, wareega koowaad murashaxii hela codadka aqlabiyad tirada guud xubnha Golaha Shacabka ayaa ku guuleysanaaya doorashada.

Haddii la waayo murashax hela tiradaas waxaa loo gudbayaa wareega labaad, waxaana ka qeyb-galaya afarta murashax ee hela tirada codadka ugu badan ee wareegga koowaad,  haddii ay jiraan murashaxiin helay cod is la eg oo barbar- dhac ah, waa kawada qayb galayaan wareega labaad, tartamayaasha ayaana kordhaya.

Wareega seddexaad waxaa ka qeyb-galaya labada murashax ee ugu cododka badan wareega labaad, haddii uu jiro murashax seddexaad oo heley tiro la siman mid ka mid ah labada murashax ee isku soo haray, wuxuu isaguna/iyaduna ka qeyb galayaa wareega seddexaad, waxaana guulaysanaya murashaxii ugu cod bata.

Haddii ay dhacdo in wareega 1-aad ka dib ay isku soo haraan labo murashax oo kaliya, sababtuna ay tahay tanaasul ay sameeyeen musharaxiinta kale, waxaa si toos ah loogu gudbayaa wareega seddexaad, waxaana markaa meesha ka baxay wereegii labaad waxayna ku kala guuleysanayaan cod hal dheeri ah ee tirada xubnaha codeeyay.

KEYDMEIDA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.