KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Hadal uu warbaahinta maanta ka jeediyay magaalada Dhuusamareeb, James Swan ayaa u xaqiijiyay Madaxweynaha Qoor-Qoor inay la garab taagan yihiin maamulkiisa kaalmo bini'aadantinimo, si wax looga qabto xaalada abaarta ee ka jirta Galmudug.
DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Ergayga QM ee Soomaaliya James Swan ayaa Maanta kula kulmay Dhuusamareeb Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, oo ay kawada hadleen arrimaha siyaasadda iyo bini'aadanimada Maamulka Galmudug.
Swan ayaa kala hadlay Qoor-Qoor arrimo ay ku jiraan amniga, abaarta, maamul dhisida iyo taageeradda Qaramada Midoobey ee Galmudug, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska UNSOM.
Shir Jaraa'id oo si wadajir ah u qabteen, James Swan ayaa ugu xaqiijiyay Madaxweynaha Qoor-Qoor inay la garab taagan yihiin maamulkiisa kaalmo bini'aadantinimo, si wax looga qabto xaalada abaarta ee ka jirta Galmudug.
Qoor-Qoor ayaa Swan uga mahadceliyay booqashadiisa iyo taageeradda joogtada ah ee QM siiso Galmudug, waxaana uu u xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay in uu la shaqeeyo maamulka cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo in uu ka shaqeyn doono danta qaranka.
Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya ayaa ku dhufatay abaartii ugu xumayd mudo 40 sano ah, iyadoo dad lagu qiyaasay 7.2 milyan kaliya Soomaaliya ay ku wajahayaan cunto-yari iyo haraad, kuwaasoo qarka u saaran inay Macluul u dhintaan.
Saadaasha ayaa tilmaamaysa in xaaladda bini'aadanimo ay kasii dari doonto bilaha soo socda, iyadoo xilli roobaadkii shanaad uusan si fiican uga di'in guud ahaan dalka Soomaaliya.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.