Meydadka Ciidamo ka tirsan Kenya oo lagu Jiidjiidayo Wadooyinka Kismaayo

Kismaayo (KON) - Magaalada Kismaayo ee xarunta gobbolka Jubbada Hoose ayaa meydadka Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya iyo Dowladda Soomaaliya oo ku geeriyooday dagaalkii shalay ka dhacay Jubbada Hoose lagu jiid jiiday Wadooyinka magaalada Kismaayo.
Warar Keydmedia Online

Tirada meydadkaan oo gaaraya 4 Qof ayaa waxaa ay kala yihiin labo Kenyaan ah iyo labo Soomaali ah waxaana afartaan qof ay ku dhinteen dagaal kharaar oo shalay ka dhacay deegaanka Miido oo 90KM u jira magalada Kismaayo.

Waddooyinka magaalada ayaa haatan lagu jiid jiidaayaa meydadka Ciidanka Kenya ee lagu dilay dagaalkii shalay galab ka dhacay deegaanada Janaay Cabdalla,Biibi iyo Miido ee gobolka Jubbada Hoose.

“Dadkii magaalada oo dhan waxay soo tubteen hareeraha waddooyinka, aniga waxaan arkay meydadka afar askari oo wata tuutaha Ciidamada Kenya, iyo Soomaaliya gaari kasoo qaaday goobta lagu dilay ayaa keenay waddada laamiga ee kasoo baxda xaafadda Somali Star ee magaalada Kismaayo”, ayuu yiri qof goobjooge ah oo la hadlay Keydmedia Online.

Kooxda Shabaab si rasmi ah wali ugama aysan hadlin meydadka maanta lagu jiid jiidayo.

Keydmedia Online -Xafiiska Kismaayo

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.